Boosaaso(RBC Radio) Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamada darajada 1aad ee gobolka Bari Bashiir Ismaaciil Axmed(Hoobaley) oo xalay dhaawac kasoo gaaray bam-gacmeed lagu tuuray Hotel Rooble xili uu ku sugnaa ayaa sheegay in Xaaladiisu tahay mid wanaagsan.
Bashiir Hoobaley oo Saxaafadda kula hadlay hoygiisa ayaa sheegay dhaawac fudud uu kazoo gaaray lugta,gacanta iyo feeraha ,wuxuuna xusay in qaar kamid ah firirkii bambada laga soo saaray kuwa kalena weli jirkiisa ku harsanyihiin baaritaan Caafimaadna uu sugayo.
Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in bam-gacmeedka uu tuuray qof aysan garaneyn haybtiisa balse uu ku tilmaamay in qofka geystay yahay kuwa diidan jiritaanka Ummada Puntland marar badan caadeystay iney geystaan weeraro kan la mid ah
Dadka dhaawacu kaso gaaray bam-gacmeedka ayaa kala ah Xeer ilaaliye Bashiir Hoobaley,nin garsoore ah,qof dumar ah iyo saddex shacab ah kuwaas oo dhammaantood fadhiyey meel u dhow hoteelka hortiisa.
Sidoo kale Guddoomiye Kuxigeenka Maxkamada gobolka Bari Cad-ceed ayaa la sheegayaa in dhaawac fudud kazoo gaaray dhanka lugta,iyadoona ay xusid mudan in haweeneyda kaliya ee qaraxa ku dhimatay lagu magacaabo Maryan Cabi oo u dhaxday Garsoore Maxamed Siciid Kampala.
Shantii bishan ayey ahayd markii qaxar ismiidaamin ah lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa badda Puntland iyo dad shacab ah uu ka dhacay magaaladda kaasoo sababay khasaare isugu jira dhaawac iyo dhimasho.
Dowladda Puntland waxay wixii weerarkaas ismiidaaminta ah ka danbeeyey kusoo daabushay magaaladda Boosaaso Ciidamo farabadan kuwaas oo xiliyada habeenkii ah lagu arkayo jididka iyo Xaafadaha oo sameynaya baaritaano kala duwan.
__________________
RBC Radio/Boosaaso