Muqdisho[RBC Radio]Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskii waraaqihii aqoonsiga kaga guddoomey safiirka Cusub ee Dowladda Denmark ay u soo magacaawaday Soomaaliya, iyadoo madaxweynaha uu kulan kula qaatay xafiiskiisa safiirka Cusub Geert Agaard Andersen.
Intaas kaddib madaxweynaha iyo safiir ayaa yeeshen kulan is xog-wareysi ah oo ay ugu hadleen arrimo baan oo ay ka mid ahaayd xiriirka labada dal iyo sidii loo si xoojin lahaa.
Sidoo kale waxaa ay isla soo qaaden madaxweynaha iyo safiirka dowladda Denmark ee Soomaaliya Geert Agaard Andersen, sidoo loo ballaarin kahaa taageerada ay Soomaaliya siiso dowladda Denmark,
Xilligii uu soo dhamaaday kulanka safiirka iyo madaxweynaha ayaa waxaa warbaahinta afka dowladda ku hadasha la hadashey ku-simaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam, oo kulanka ku wahelisay madaxweynaha iyo safiirka,waxana ay sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay sida dowladda Denmark ay diyaar ugu tahay caawimaadda Soomaaliya, iyadoo safiirka ka howl-gala safaaradda Denmark ee Soomaaliyana ay soo magacaawday.
Dhinaciisa waxaa isna la hadlay warbaahinta safiirka Denmarka ee Soomaaliya Geert Agaard Andersen,waxana uu soo hadal qaaday in kulanka madaxweyne Xasan Sheekh uu la qaatay looga guddoomay waraaqihiisa safiirnimo, dhanka kale waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka caawinayaan dhinacyada Ammaanka, Waxbarashada, iyo horumarinta dhismaha.
Mudooyinkii ugu danbeeyey waxaa magaalada Muqdisho soo gaarayey safiirada ka socda dalalka caalamka kuwaaso raba inay saldhigyo ka sameeystan guddaha dalka,waxana la sheegay inay arrintaa dhalinayso isku soo dhawanshiyaha waddamada caalamka iyo Soomaalida.
_____
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho