Muqdisho[RBC Radio]Xubno ka mid ah Baarlamaanka dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa codsi u diray R/wasaaraha magacaaben C/weli Sheekh Axmed,waxana ay ka codsadeen inuusan xukuumadisa ku soo darin wasiiraddii horrey ugu tarsana xukuumadi uu hoggaamin jiray rasul wasaare Saacid.
Xildhibaanada ayaa sheegay in xilligaan loo bahan yahay isbadal muuqda,kalsoonida waxaa ay kala labteen inaysan ahaayn oo kaliya Saacid balse ay qeyb ka yihiin wasiiraddii xukuumadisa ku jiray,waxana ay taas badal keedana ku sheegen in loo bahan yahay wasiiro cusub oo tayo leh.
…”‘”Waxaa muhiim ah in la ogaado baarlamaanka cida ay kalsoonida kala laabten inaysan ahaayn Saacid oo kale balse wasiiradu xaata ay ku jiraan,waxan doonayna inan tallo ku siino R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya waxaan kula talinaynaa inuu soo magacaabo wasiiro cusub oo aysan ku jirin kuwii xukuumaddii Saacid ku jiray, maadaama wasiiradii horre iyo xukuumaddii ay ka tirsanaayeen lagu eedeeyay waxqabad la’aan…”"”ayuu yiri xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf oo la hadlay warbaahinta.
Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf,waxaa uu soo hadal qaaday in loo bahan yahay xukuumad la timaada isbadal buuxa,taasani waxaa uu sheegay in dhalin karto in la soo magacaabo dad tayo leh oo ay wadaniyadu dhab ka tahay.
Waxaa isna xildhibaanka ra’yiga ku racaay oo hadalkiisa adkeeyey xildhibaan Yacquub Cali Maxamed oo ka dalbaday R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya u sheegay inuu si aad ah uga fiirsado xubnaha uu wasiirrada u magacabaayo.
…”"”R/wasaare waxaa lagaa doonayo isbadal,waxana isbadal ku keeni karta adigoo ka firsada dadka aad soo magacaabaysid,ka dhig kuwo isbadal dalka ka dhalin kara…”"”ayuu yiri xildhibaan Yacquub Cali Maxamed.
R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed,ayaa soo magacaabi doonna xukuumadisa cusub markii ay meel mariyaan baarlamaanka oo laga sugaya maalinta arbacada inuu hortago.
______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho