Garoowe (RBC RADIO) Ururka Somali Women Training and Development ee ka dhisan Magaalada London ayaa si gaar ah Culimada ugu soo dhiibay Deeq lacageed oo gaaraysa $ 5600,00 kaasi oo ay ugu talagaleen in la gaarsiiyo dadkii ku dhibaatoobay Duufaanadii ka dhacay Puntland iyagoo usoo wakiishay lacagtana usoo dhiibay sheekh Axmed Yuusuf Daad oo ka mid ah Culimada Puntland.
Sheekh Axmed Daad ayaa si rasmi ah Lacagtaasi ugu Wareejiyay Gudoomiyaha Gudiga gurmadka Deg dega ah ee uu Madaxweynuhu Magacaabay sheekh Maxamuud xaaji Yuusuf waxaana kal mad mahadcelin ah halkaasi ka jeediyay sheekh Axmed daahir oo Culimada Puntland ka mid ah wuxuuna sheegay in ay aad ugu mahad celinayaan Hablihii hawshan soo sameeyey ee isu diyaariyay kana qayb qaatay taakuleenta walaaha dhibaateysan wuxuuna alle uga baryay in uu ajir ka siiyo.
tan iyo intii la bilaabay Gurmadka marna ma kala joogsan lacagaha laga soo dirayo Dibada iyo Dalka gudihiisa iyadoo lasoo gaarsiinayo culimada oo hawshan u xilsaaran waxaana markii ugu horeesay dib u dajin loo sameeyey qoys ka badan 600 iyadoo la gaarsiiyay ari kor u dhaafaya shan iyo toban kun oo Neef.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.