Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Wasiirka Difaaca Dawlada Federaalka oo Shaaca Ka Qaaday Duulaan Culus oo Ku Wajahan Gobollada Ay Al Shabaab Ka Taliso (Sawirro)

$
0
0

WASIIRMuqdisho (RBC) Wasiirka Difaaca Dawlada Federaalka Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan ciidamada iyo kuwa AMISOM ay qaadi doonaan duulaan ka dhan ah gobollada ay ku sugan yihiin Al Shabaab.

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyey xilli uu maanta ka qaybgalay munaasabad xil wareejin ahayd oo taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM uu xilka kagala wareegay taliyihii hore ee ciidanka oo la bedelay.

“Al Shabaab dib ayaa loo riixay, waxayna hadda ku sugan yihiin meelihii ugu dambeeyay, waxaana hadda wadnaa qorshe ballaaran oo aan xididada  ugu siibeyno guud ahaan dagaalyahanada Al Shabaab ee tirada yar.” ayuu ku dhawaaqay wasiirka.

WASIIR5

Wasiir Fiqi ayaa yiri “iyadoo aanu ka faa’ideysaneyso taageerada iyo tababarada saaxiibadeen AMISOM ayaanu hadda u diyaarsanahay inaanu dalka ka saarno kooxaha nabadda diidan ee ku dhuumaleysanaya dalkeena.”.

WASIIR2

Wasiirka Difaaca Dawlada Federaalka Soomaaliya wuxuu dhinaca kale u mahadceliyey wadamada ay ciidamadooda ku jiraan hawlgalka AMISOM isagoo sheegay in hael aad u mugweyn ay u qabteen dadka Soomaaliyeed ka dib markii ay gobollo badan oo ay ka talinayeen kooxaha Al Shabaab iyo Al Qaacida ay ka saareen haddana ay gacanta ku heyso dawlada.

“Waxaan sidoo kale uga mahadcelinayaa talihii hore ee AMISOM hawshii uu qabtay mudadii uu joogay Soomaaliya, anigoo taliyaha cusubna u rajeeyay guul.” ayuu yiri wasiirka.

WASIIR3

 

WASIIR4

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles