Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19614

Madaxweynaha Soomaaliya oo qaabilay kaaliyaha xoghayaha arrimada dibadda Mareykanka ee Afrika[Sawirro]

$
0
0

3

Muqdisho[RBC Radio]Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskisa ku qaabilay wafti ay hor-kacayso  kaaliyaha xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika Linda Thomas-Greenfeild.

Xassan Sheekh madaxweynaha Soomaaliya  ayaa ugu horren soo dhaweeyey imaatinka waftigaan ee magaalada caasumada ah ee Muqdisho,waxana sidoo kale uu uga  mahad-celiyay Linda Thomas-Greenfiild booqashada ay ku timid Soomaaliya,waxana uu socdalkaan ku tilmaamay madaxweynuhu  in booqashadeeda ay tahay mid taariikhi ah oo astaan xooggan u ah xaaladda ka soo wanaagsanaaneysa ee Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo haweenayda lugu magacaabo Linda Thomas waxaa ay isla soo qaaden muddadii uu shirkooda socday  sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Soomaaliya, iyadoo la xusuusto in dowladda Mareykanka ay ahayd dowladdii ugu horreysay ee si rasmi ah u aqoonsata dowladda Soomaaliya kaddib markii KMG-nimadii ay ka baxday Soomaaliya.

2

Sidoo kale madaxweyne Xassan ayaa uga mahad-celiyay dowladda Mareykanka taageerida joogtada ah ee uu u fidiyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed si dhibka looga baxo.

Madaxweyne Xasan ayaa dowladda Mareykanka iyo beesha caalamka ka codsaday in ay labo jibbaaraan taageerada ay u fidinayaan dowladda Soomaaliya si loo tayeeyo awoodda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, oo uu sheegay in ay tahay tallaabada keliya ee lagu cirribi-tirikaro maleeshiyada Alshabaab.

Si kastaba hanaqote dowladda Marekanka ayaa iyadu muddooyinkii ugu danbeeyey ka dhex muuqatay siyaasada Soomaaliya,iyadoona wali dowladda faderaalka Soomaaliya ay codsanayso inay gacan ka hesho Marekanka.

1 2 3 4 5
________
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19614

Trending Articles