Warsaxaafadeed
Madaxweynaha Dowlada Puntland ahna Musharax u taagan doorashada Madaxtooyada 8 Jan, 2014 Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa maanta (Khamiis 12 Dec, 2013) Shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa ku soo dhoweeyey inay wada kulmaan Musharaxiinta la tartamaya.
Ugu horayn Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqay duubabka dhaqanka inay ku soo xaliyaan wixii khilaaf ah ee la xiriira xulida xubnaha baarlamaanka deegaanadooda “Odayaasha dhaqanka waxaan ku boorinayaa oo markale ku dhiiri gelinayaa wixii khilaaf ah oo la xiriira xubnaha baarlamaanka inay ku soo xaliyaan guryahooda ” .
Doorashada soo socota ee Madaxtooyada ayuu xusay inay u dhici doonto si xor ah oo xalaal ah muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha Dastuurku dul dhigay musharaxiinta uu xaq u leeyahay inuu tartamo isla markaan Degmo & Gobolkasta ka sameeyo ololihiisa doorashada.
Madaxweynuhu wuxuu si weyn u soo dhoweeyey hadal ka soo yeeray maalinimadii shalay Musharaxiinta la tartamaya qaarkood kuwaas oo ka dalbaday inay wada kulmaan.
“Waan soo dhoweynayaa in aanu kulano musharaxiinta waana uga mahadcelinayaa baaqoodaas walaalahay, aniga wey ii qorshaysnayd in aanu wada kulano oo aan casumo balse hadii ay iiga horeeyeen waan so dhoweynayaa” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweyne Faroole wuxuu xusay inuu ku casumi doono Madaxtooyada ayna halkaas ku kulmi doonaan marka ugu horaysa oo Musharaxiinta dhamaantood ay yimaadaan magaalada Garoowe Isagoo sii raaciyey hadalkiisa in doorashadii hore ee sanadkii 2009 ay kula kulmeen Madaxweyne Cade Muuse qasriga Madaxtooyada ayna tahay goobta ugu mudan ee lagu kulmi karo.
Xafiiska Warfaafinta Gudiga Ololaha
Madaxweyne/ Musharax Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole)
E. faroole.election2014@gmail.com FB. Puntland President Office Web. Abdirahmanfarole.com