Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20136

Guddoomiye Jawaari oo ka qeybgalaya xuska xornimada Kenya

$
0
0
Guddoomiye Jawaaro oo la sii sagootiyey

Guddoomiye Jawaaro oo la sii sagootiyey

Muqdisho[RBC Radio]Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,ayaa magaalada caasumada ah ee Muqdisho ka ambaxay isagoona ku sii jeeda magaalada Nairobi.

Guddoomiye Jawaari  waxaa kusii sagootiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar,Taliyaha Ciidammada Badda iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka.

Jawaari waxaa uu dalka Kenya ugu qeyb galayaa sanad guurrada 50-aad ee kasoo wareegatay markii ay dalka Kenya xornimada qaateen,waxana socdaalka ku waheliya guddoomiyaha  Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ayadoo socdaalkoodana uu qaadan doono mudo hal cisho ah.

Xuska sanad guurrada 50aad ee kasoo wareegatay markii ay dalka Kenya xornimada qaateen,waxaa uu qorshuhu ahaa inuu ka qeyb galo madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh,kaaso shaaciyey inuu ka baaqday safarkiisa,taa badalkedana uu ka qeyb galayo xuskaas  guddoomiyaha baarlamaanka mudane Jawaari.

Ujeedada baaqashada madaxweynaha ayaa lugu sheegay inay la xiriirto soo magacaabista R/wasaare cusub oo laga dhoowrayo inuu soo magacaabo dhawaan.
_____
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20136

Trending Articles