Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Faroole: Gaas anaa siyaasada u horseeday in uu soo galo waana ku qasaarnay.

$
0
0

50

Garoowe (RBC RADIO) Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr C/Raxmaan Maxamed Maxamuud faroole ayaa sheegay in Saaxada siyaasada uu kusoo dhaweeyey Mudane Gaas xiligii KMG ay Soomaliya ku jirtay kaalinna uu ka cayaaray in uu noqdo Ra’sulWasaaraha Dalka xiligaa balse lagu qasaaray oo gadaal ka tooktay Puntland kuna noqday bahal sida uu yiri Mudane faroole.

“ Maalin dhaweyd nin baan ka dhagaystay Idaacad xayeysiis u samaynaaya oo been sheegaaya beenta in la sheego waa xaaraan wuxuu ahaa ninkaasu nimaan ani ugu wacnaa inuu xafiis Dowladnimo ah oo Public ah oo Soomaliya kan ugu sareeya kan ku xiga anigu aan ugu Wacnaa in uu ku guuleysto Shaqa Dowladeed waligii halsanuu Qabtay intuu joogay intuu gacan na siin lahaa lug’gooyo mooyee waxba nooma tarin Dastuurkii buu nagu dayacay wixii aan xaqa u lahayn buu duudsiiyay dadka yagii buu kala qaybshay Isimadayadii buu isku diray  Dowladnimadayadii aan magaca  ku lahayn buu xumeeyey anagana hadal waa naga maqli waayay”,sidaana waxaa yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo Hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Inuu isagu puntland burcad badeeda ka sifeeyey war yaa Puntland Burcad-badeeda ka sifeeyey ma Cabdiwali mise Cabdiraxmaan? , anagina wuxuu nagu sheegay Burcad-badeed, Mashaariicda ay ka mid yihiin Airpotka Boosaaso kan Garoowe waxa Dalka laga qabanaayo wuxuu yiri anaa keenay bal beenta intaa le’eg bal fiiri iyo Aflagaadada uu ninkaas wado, wuxuu yiri Puntland baan barwaaqo galinayaa waligiisna Halkaas sano oo aan aniga Xafiiska fariisiyay buu siyaasada Dalka soo galay Macalin buu ahaa Jeeso wax ku dhiga waan aqaan in uu Maadadaas Dhaqaalaha yaqaano laakiin Macalinnimadiisii intuu ka tagay buu shaqo uusan waxba ku lahayn doonanayaa”

Madaxweynaha oo wali hadalkiisa sii wata ayaa hadana yiri:

“Wuxuu aflagaadeeyey Puntland,wuxuu meel kaga dhacay Ciidanka Amniga wuxuu aflagaadeeyey odoyaasha Dahqanka wuxuu Aflagaadeeyey beelaha Sool iyo Sanaag intaa nin isku darsaday Puntland ma dooran kartaa? Ina C/dulle xasan baan gabayadiisii wax ka bartayoo wuxuu yiri” Ninka yiri waxbaan Galin anoo gol iyo Cayn joogo oo baddii Garacad baan gudub u wayraadin oo ragga Eyl ku gaardinahayaan guudka kaga keenin,godka lagu cadaabyoow muxuu go’oo been sheegay,meeshaan waa loo siman yahay cid kasta oo wax isku haysa wey u tartami kadhaa laakiin waa in anshaxa iyo aadaabta la ilaaliyaa hadii kale waa leyska daba qaadanayaa oo waxbaa leyska sheegayaa”.

 

Hadalka Madaxweynaha ayaa u muuqday mid ka dhan ah Musharax Gaas oo uu tilmaamayay in Gaas uusan wanaag usoo wadin Puntland uusanna u qalmin in 5ta sanno ee soo socota la doorto sida laga dha-dhansan karay Khudbada Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/Raxmaan Faroole uu Maanta ka hor jeediyay Kumanaan Qof oo soo dhaweeyey.

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles