Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20140

Madaxweyne Xasan: Xuquuqda Aadanaha Waa In La Difaacaa, Lana Hirgeliyaa

Image may be NSFW.
Clik here to view.
M-Xasan-Sheekh
Muqdisho (RBC) Madaxweynaha dawlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta sheegay in dawladu ay xooga saareyso ilaalinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya iyadoo maanta loo dabaaldegayo maalinta caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

War saxaafadeed uu soo saaray madaxweynaha ayaa lagu sheegay in dawlada iyo hay’adeheeda ay xil iska saari doonaan yareynta dhibaatooyinka ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ay bulshada Soomaaliyeed had iyo jeer ka cawdaan.

“Dawlada way ka go’antahay horumarinta xaquuqda aadanaha, islamarkaana ay dowladdu ku dadaaleysaa yareynta falalka ka dhanka ah xaquuqda aadanaha.” ayaa lagu yirii war saxaafadeedka.

“Waxaan doonayaa inaan ku celiyo sida ay dawladda uga go’an tahay iney difaacdo xuquuqda aadaanaha. Waxan ka shaqeynaynaa sidaan u gaari lahayn in Soomaaliya ay noqoto meel aan ka dhacin xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, waxaan u taagan nahay inaan dhaqan gelino xuquqda aadanah sida uga wanaagsan,” ayaa lagu sii daray qoraalka war saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada.

“Talaabooyin ficil ah oo la xiriirta arrinta xal ka gaaristeeda ayey dawladda hore u qaaday. Sharciyo la xiriiri xuquuqda aadanaha waa la sameeyey, dawladda ajendaheeda siyaasadeed ayaa ah iney wada oo taageerto sharciyadan” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Maanta ayaa guud ahaan dunida iyo Soomaaliyaba waxaa laga xusay maalinta caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha oo sanad kasta la xuso 10-ka Disembar, iyadoo la soo bandhigay warbixino muujinaya in Soomaaliya weli ay tahay meel ay ka jiraan xadgudubyo baahsan oo lagula kaco bulshada Soomaliyeed nooc kasta oo ay tahayba.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Facebook
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Twitter
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Google+
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20140

Trending Articles