Beledweyne (RBC) Waxaa maalintii labaad galay bannaanbax looga soo horjeedo maamulka gobolka Hiiraan kaasoo dadweynaha ku nool magaalada Beledweyne ay ku cambaareynayaan maamulka hadda ka jira gobolka.
Dibadbaxan oo bilawday shalay ayaa ka dhasay weerar habeen hore kooxo hubeysan ay ku dileen sarkaal sare oo horey uga tirsanaa militariga Soomaaliya kaasoo lagu magacaabi jiray Col. Xaashi Xuseen Diiriye oo gurigiisa magaalada Beledweyne lagu dilay.
Dadka bannaanbaxan ka wada Beledweyne ayaa dalbanaya in maamulka uu wax ka qabto amaandarrida uuna sharciga horkeeno kooxihii weerarka ka dambeeyay.
Dadka bannaanbaxaya ayaa socod ku maray waddada dheer ee dhexmarta magaalada iyagoo wata boorar ay ku qoran yihiin ereyo ay ku cambaareynayaan maamulka gobolka iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.
Dadweynaha ayaa ku qeylinayey “ha dhaco maamulka gobolka,… iyo hala soo qabto dambiilayaasha”.
Bannaanbaxa maanta ayaa sida wararka nagu soo gaarayaan ka yara xasiloonaa kii maalintii shalay oo rabshado watay kaasoo sababay dhaawac dhowr ruux iyo burbur hantiyeed.
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa illaa hadda aan wax hadal ah ka dhihin dibadbaxyadan hareeyay Beledweyne iyo sidoo kale dilka sarkaalkaasi ahaa siyaasiga ku noolaa Beledweyne oo illaa hadda dilkiisa warar kala duwan ay ka soo baxayaan.
RBC Radio