Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Al Shabaab oo Digniin Cusub u Dirtay Wadamada Ay Ciidamada Ka Joogaan Soomaaliya

$
0
0

CALI-DHEERE-11Baraawe (RBC) Ururka Al Shabaab ayaa digniin cusub oo hanjabaad xambaarsan u diray wadamada ay ciidamada ka joogaan wadanka Soomaaliya, taasoo timid labo  bilood iyo bar ka dib weerarkii Westgate ee magaalada Nairobi ay ka geysatay kooxda Al Shabaab.

Afhayeenka ururka Al Shabaab Sheekh Cali Dheere oo hadal laga duubay laga siidaayey idaacad afka Al Shabaab ku hadasha oo ku taalla degmada Baraawe waxaa uu ka sheegay in ay qorsheynayaan inay weerar ku qaadaan wadamada ay ka yimaadeen ciidamada AMISOM.

“Waxaa mar walba aan qorsheynayna sidii aan u weerari lahayn cadawgaas wadankeena ku soo duulay, ha u maleynina inaan nahay dadka iska hurda.” ayuu ku yiri hadalkan idaacadda Andalus laga siidaayey habeenkii xalay.

Afhayeenka Al Shabaab wuxuu tilmaamay in weerar qaabkiisu u eg yahay midkii ay ka fuliyeen xaruntii ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi bishii Sebtembar ee sanadkan ay la damacsan yihiin wadamada ciidamadooda u soo diray Soomaaliya.

“Ma hilmaami doono wax kasta oo ay ka geysteen gudaha Soomaaliya, waa ballan inaan ka aargudano, dhibaatadana dalalkiina ayay ku dambeyn doontaa” ayuu ku daray hadalkiisa afhayeenka Cali Dheere.

Digniintan ayaa dadka qaar durba ku fasireen mid cagajugleyn ah oo ay dooneyso kooxda Al Shabaab inay cabsi ku beerto shacabka wadamada ciidamadooda joogaan Soomaaliya.

Al Shabaab waxay marar badan soo saareen digniino ay ku dalbanayaan in ciidamada AMISOM ay dalka ka baxaan haddii kale ay weerari doonaan wadanmadooda, waxayna horey u weerareen magaalada Kampala sanadkii 2010, iyo magaalada Naitobi sanadkan 2013.

Wadamada Uganda, Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Siralyoon oo dhowaan ku soo biirtay ayay hadda ciidamada ku hawlgala magaca Midowga Afrika ka joogaan Soomaaliya, waxayna ciidamadan iyo kuwa dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ay sabab u noqdeen in magaalooyin badan oo dalka ku yaalla xukunka Al Shabaabna ku hoos jiray laga saaro.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles