Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

DOOD FURAN: Bixitaanka Ciidamada Ethiopia- Faa’iido Mise Khasaaro?

$
0
0

Muqdisho (RBC) Ciidamo Ethiopia ayaa toddobaadkii hore isaga baxay magaalada Xudur ee gobolka Bakool sanad ka dib markii iyaga iyo kuwa dawlada Soomaaliya ay halkaasi ka saareen ururka Al Shabaab.  Bixitaanka Ethiopia saacado ka dib waxaa magaalada Xudur la wareegay ururka Al Shabaab.

Hadda waxaa la hadalhayaa in Ethiopianka ay isu diyaarinayaan inay ka baxaan magaalooyin kale sida Baydhabo iyo Beledweyne oo ah magaalooyin muhim ah, sidaasi waxay Raxanreeb ka xigatay saraakiil Soomaali ah oo arrimaha ka warqaba.

Sababaha keenay in waqtigan ciidamada Ethiopia ay baneeyaan magaalooyin mudo badan dagaal loogu soo jiray ayaa lagu kala aragti duwan yahay.  Dadka qaar waxay sheegayaan in sababta ay ka dambeyso khilaaf marba soo kordhayey oo dawlada federaalka iyo Ethiopia u dhexeeya oo ku saabsan qaabka maamulada gobolada dalka loo dhisayo iyo dadka loo dhiibayo oo ay Ethiopianka ka waayeen danahooda;  Sidoo kale waxaa la sheegayaa in Ethiopianka ay mar horeba qorsheynayeen inay ka baxaan meelaha ay qabtaan oo hadda aysan u awoodin in ay sii joogaan mudo kale taasoo iyadana laga keenay dood ah inaysan ku wareejin AMISOM ka hor bixitaankooda.

Haddaba waxaa la isweydiinayaa maxaa ka dhalan kara bixitaanka ciidamada Ethiopia waqtigan yimid?

Taliska AMISOM oo saraakiil ka mid ah ay ka hadleen arrintan waxay ku doodeen inaan loo baahan doonin ciidamada Ethiopia ee ay iyagu ku filan yihiin sugida amaanka dhammaan goobaha ay Ethiopianka ka baxaan.  AMISOM waxay kaloo sheegtay in ciidamo dheeraad ah ay u daadgureyn doonto goobaha muhimka sida gobollada Hiiraan iyo Baay.

Dhinaca kale dawlada Soomaaliya oo xilligan aan heysan ciidan dhisan oo ku filan inay keligood difaacaan gobollada ay ka baxaan ciidamada Ethiopianka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin arrintan.  Waxaase saraakiil militari oo Raxanreeb usbuucii hore la hadlay ay sheegeen in dawladu wado iskaashi u dhexeeya iyada iyo AMISOM si wajiga hore loo diyaariyo guutooyin ciidamo ah oo ka garab shaqeeya AMISOM isla markaana la geeyo goobaha ay ka socoto bixiyaanka Ethiopianka.

Faa’iido mise khasaaro?

Bixitaanka aan loo diyaargaroobin ee Ethiopianka waxay dadka qaarkiis u arkaan inay dhabarjab ku noqon karto dadaalka amni sugida ee dawlada Soomaaliya iyo AMISOM ay wadaan, haddi aan la helin ciidamo si deg deg leh u buuxiya goobaha ay baneeyaan isla markaana u qaata masuuliyadda amniga goobahaas.

Ururka Al Shabaab oo goboolada iyo degmooyinka koonfurta laga saaray 80% ayaa shaaca ka qaaday in bixitaanka Ethiopianka ay fursad weyn siineyso si ay dib ugu qabsadaan dhulkii horey looga saaray ka dibna ay maamulkooda ka dhisi doonaan.

Dad badan ayaa walaac ka qaba in dawlada cusub ay u taallo hawl culus oo dib ay ugu laaban doonto halgan la mid ah kii ay soo martay dawladii hore oo wax kasta ka soo bilawday KOW iyadoo dalka intiisa badan ay ka talineysay Al Shabaab. Walaacaas waxaa sii xoojiyey ka dib markii Al Shabaab ay dib ula wareegeen degmada Xudur toddobaad ka hor.

Hase yeeshee waxaa jira dad qaba aragti taas ka gedisan; waxay sheegayaan in bixitaanka Ethiopianka ay fursad u tahay dawlada cusub si ay maamulkeeda ugu ballaariso dalka isuguna tashato iyadoo kaashaneysa ciidanka 20-kun gaaraya ee AMISOM ee hadda dalka jooga.

Haddaba maxay adiga kula tahay?

 

Dood furan/ RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles