Boosaaso[RBC Radio] Musharax Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta soo gaaray magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa galabta booqday Isbitaalka ay yaalaan dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Boosaaso.
Musharaxa oo ay weheliyaan xubno u qaabilsan Ololihiisa ayaa tagay Isbitaalka Bandarqaasim,waxayna kormeereen dhaawacyada dadkii waxyeeladu kasoo gaartay weerarkii Ismiidaamninta ahaa ee ka dhacay magaaladda Boosaaso 5.tii bishan.
Intii uu ku sugnaa Isbitaalka Boosaaso,wuxuu Musharax Gaas ka dhageystay warbixin kooban Maamulka sare ee Isbitaalka xaaladda ay ku suganyihiin bukaanadu,isagoona mid mid u dultagay dadka dhaawacmay lana qeybsaday dhibaatada gaartay.
Musharax Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeerkiisa ka dib la hadlay Saxaafadda ,wuxuuna sheegay in uu ka xunyahay dhibaatada gaartay dadka shacabka ah iyo ciidankaba.
Sidoo kale,Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay dadka qurba joogta ah iyo gacansatada reer Puntland iney gacan siiyaan waxna u qabtaan dadka dhaawacu kasoo gaaray qaraxa,isagoona EEBE uga baryey intii ku dhimatay in Janadiisa kka waraabiyo.
Dr SHAANDHEEYE oo isna dhankiisa ka hadlay imaatinka Dr Gaas ee Isbitaalka Boosaaso ,wuxuuna sheegay in ay aad uga faraxsanyihiin booqashada uu ugu yimid dadka dhaawacyadu soo gaareen.
Isbitaalka weyn ee Boosaaso ayaa ,waxaa yaalay bukaan gaarayey 9-qof xiliga uu booqanayey De Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,waxayna booqashadan noqoneysaa tii ugu horeysay ee u sameeyo ka dib imaatinkiisii maanta ee Boosaaso.
__________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
turrabi30″gmail.com