Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi Oo La Kulmay Bulshadda ku dhaqan Magaaladda Boosaaso[Sawirro+VIDEO]

$
0
0

4Boosaaso[RBC Radio] Munaasabadan oo ahayd mid ay isku xog wareysanayeen Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi Iyo Qeybaha kala duwan ee bulshadmagaaladda Boosaasoayaa ka dhacay Hotel Jubba ee Boosaaso.

Munaasabada ayaa ,waxaa kasoo qeybgalay Issimo,Odayaal dhaqameed,aqoonyahan,haween ,ganacsatoiyo mas’uuliyiin ka kala socday dhinacyo kala duwan.

Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi oo ugu horeyn Khudbad ka hadlaysay qorshihiisa Siyaasadeed ayaa munaasabada ka jeediyey,wuxuuna madasha ka sheegay in uu yahay Musharaxa kaliya ee Hoggaamin kara bulshada Puntland .

Mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jirtay Salaadiin,Cuqaal ,aqoonyahan,haween iyo Siyaasiyiin ka qeybgalay kulanka oo ahaa mid qado ah ayaa taageero u muujiyey Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi,waxayna sidoo kale usoo jeediyeen tallooyin wax ku ool ah.

12Taariikhdiisa oo kooban.

Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi ,waxa uu ku dhashay gobolka Nugaal 1952,isagoona dugsiga hoose iyo sare ku qaatay magaaladda Muqdisho ee xarunta gobolka Banaadir.

Waxbarashadiisii dhanka Jaamacadda ,wuxuu ku dhameystay dalka Maraykanka,isagoona bartay Maamulka iyo Maareynta sanadkii 1986-dii .

Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi ,waxa uu shaqooyin kala duwan uu kasoo qabtay dalka iyo dibada sida National Commercial Bank oo kuyaala wadanka Sacuudiga,sidoo kale wuxuu soo noqday Maareeyihii hore ee Shirkadii DALSAN ee burburtay balse uu xilkeedii wareejiyey sanad ka dib ineysan kicin.

Sidoo kale Musharaxu ,wuxuu gacan weyn ka geystay Shirkadda Korantada ee NEG oo ku taala magaaladda Garoowe,dhanka kale wuxuu ganacsiyo kala duwan ka hirgeliyey dalka iyo dibada gaar ahaana wadamada Kenya iyo Canada.

Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi ayaa kamid ahaa Musharaxiintii isu soo taagay Xilka Madaxweynaha Puntland 2009 walow uu ka tanaasulay markii danbe.

14 1 2 3 5 6 7 8 9 10 11 13

________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
turrabi30″gmail.com

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles