Boosaaso[RBC Radio] Raysalwasaarihii hore ee Xukuumadii Badbaado Qaran ee Soomaaliya ahna xiligan Musharax u taagan Jagada Madaxtinimada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta soo gaaray magaaladda Boosaaso.
Dadweyne farabadan oo isugu jiray aqoonyahan,ganacsato,haween iyo dhalinyaro watay Sawirka Musharaxa iyo caleemo qoyan,waxayna qaadayeen HEES loo sameeyey Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Musharax Cabdiweli Maxamed Cali Gaas markii uu soo gaaray afaafka laga soo galo Kantaroolka ,wuxuu gacan qaaday dadweynihii kusoo dhaweeyey magaaladda Boosaaso,iyadoona laga dareemayey hareeraha wadada laamiga ah shacab farabadan oo maqsuud ka ahaa imaatinka Musharaxiinta.
Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xarago oo qabanqaabada soo dhaweynta Musharax Cabdiweli Gaas oo ka hadlay soo dhaweynta Musharax Gaas ayaa sheegay in dhammaan bulshada Boosaaso aysan u kala harin soo dhaweynta.
Musharax Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo fagaare kula hadlay Shacabkii soo dhaweeyey ayaa sheegay in Puntland maanta u baahantahay Isbadel dhab ah oo dhan kastaba ah.
………”””” Waxyaabaha Puntland la rabo inuu isbadel ka yimaado waxa kamid ah in Puntland waajibaadka kowaad ay leedahay uu yahay in la ilaaliyo qofka muwaadinka ah ee Puntland in la ilaaliyo noloshiisa ,nafsadiisa,maalkiisa,karaamadiisa iyo sharaftiisa……”””ayuu yiri.
Sidoo kale,wuxuu xusay in loo baahanyahay Isbadel dhan walbaba ah oo nabadgelyo,nabadgelyo ah,dhaqaale ah,isagoona intaas ku daray in shacabka Puntland boqolkiiba 90% ay dhib ku tahay iney helaan maciishad.
Mar uu ka hadlayey Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu dhibaateeyey shacabka iyo Ciidamada Puntland ee ka dhacay Boosaaso ayuu tilmaamay in uu ahaa mid laga naxo uuna tacsi u dirayo dadka dhintay iyo kuwa dhaawacu gaaray ,.
Musharax Cabdiweli Cali Gaas oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay in Puntland hoos u dhac dhaqaale uu ku yimid haddaan la dabaqaqaban uu ku imaan karo shacab iyo dowladba burbur.
……..””’Puntland,waxa ku yimid hoos u dhac dhaqaale,,waxaa ku yimid burbur dhaqaale hadaan la dabaqabana dhib badan baa ku imaan karta shacabka iyo dowladnimada Puntland ……..””’ayuu yiri Dr Gaas.
Gabagabadii ayaa Musharax Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku baaqay in Doorashada aysan ka dib dhicin xiligeeda ,isla markaana ay noqoto mid ku dhacda si xalaal iyo cadaalad ah.
Si kastaba Musharax Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa noqonaya Musharaxii ugu taageerada badnaa ee dhanka dhulka soo mara ee yimaada magaaladda Boosaaso,waxaana la filayaa in mudada uu joogo kulamo la qaato qeybaha bulshada.
____________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
turrabi30″gmail.com