Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20180

Maamulka Jubba oo Boqol kun oo Dollar soo gaarsiiyay Gudiga Gurmadka Puntland.

 

 Image may be NSFW.
Clik here to view.
DSC02779

Garoowe (RBC RADIO) Kulan ay Maanta qabteen Culimada ugu waa wayn Puntland  sida sheekh Maxamuud Xaaji yuusuf Sheekh Axmed Yuusuf Daad iyo Sheekh Axmed Daahir oo ay Wehliyaan Masuuliyiin ka mid  Wasiirada Puntland Waxay kusoo bandhigeen Lacag Gaaraysa Boqol kun iyo 3boqol oo Dollar kaasi oo ay soo dhiibeen Maamulka Jubba iyo Shacabkiisa oo isku duuban waxaana lacagtaasi xaqiijiyay in ay Gacanta ku hayaan kuna dhacday Akoonka Gurmadka loogu talagalay iyagoo arintaasina ka mahad celshay.

Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo Ugu horayn hadlay wuxuu cadeeyey in lacagtaasi ay soo gaartay oo ay hayaan kana mahad celinayaan ayna soo dhiibeen Walaalaha Jubba iyo Maamulkooda oo isku duuban, wuxuu sheekhu sheegay in ay tahay wax lagu farxo talaabada ay qaadeen Walaalaha Jubba ayna taariikhdu qori doonto, wuxuu cadeeyey in Lacagtan la gaarsiin doono dadkii u Baahnaa looguna talagalay.

“ Waxaan kaloo Fursadan uga faa’iideysanayaa in aan u tacsiyeeyo Dadkii ku dhintay Qaraxii Boosaaso kuwii ku dhaawacmayna alle waxaan uga baryayaa caafimaad Deg Deg ah anagoo Culimadi ah aad ayaan u cambaareyneynaa Weerarkaasi arxan darada ah allena kuwii soo qaaday ceebtooda banaanka ha keeno Aakhirona meel xun ha istaajiyo waxaa muhiim ah in aan ka wada shaqayno Dowlad Culimo Aqoonyahan Haween Caruur iyo wax garad kastaba Amaanka Dalka waana xil ina wada saaran ayuu yiri Sheekhu.

Sheekh Axmed Yuusuf Daad ayaa Hadalkiisa u badiyay Duco uu kala dul dhacay dadka reer Jubba iyo Maamulkooda oo uu ku tilmaamay kuwo ku dayasho mudan geesiyaal Go’aan cadna ah, wuxuu alle uga baryay dadkaasi in uu midnimadooda iyo Dowladooda u adkeeyo isagoo Gobolada kale ee dalkana u sheegay in ay ku day’daan Maamulka Jubba.

Culimadu waxay sheegeen in uusan soo gaarin kaalmadii ay ku dhawaaqday dowlada Soomaliya taana ay tahay mid ay Xasuusinayaan Madaxda Dowlada Federaalka, Gobolada Kale ee Dalkana  laga dhawrayo in ay Kaalintooda arintan ku aadan qaataan sida uu sheegay Sheekh Axmed Daahir oo Culimada Puntland ka mid ah.

Hoos ka Akhriso sida ay u qoran yihiin dadka wax soo dhiibay.

1:Shacabka,Ganacsatada dowladda Jubba ee magalada Kismaayo lacag dhan $100.300.
2:Samiiro  Jaamac Muuse -Swedan lacag dhan $317.
3:Shamso Xaaji Maxamuud  -London  lacag dhan $1470.
4:Maryan Xayle -London lacag dhan $526.
5:Golis xarunteeda Garowe lacag dhan-$1500.
6:Xadiyo Cabdiraxmaan Jaamac $106.
7:Axmed Maxamed Cabdilaahi :$200.
8:Musliminta UK islongh $2350.
9:Aadan Deeq USA $2599.
10:Jaaliyadda Sucuudiga ee Damam Wakiil Cegaag waxaa laga soo aruuriyay saddex qof $825.
11:Linkping Sweden Jaaliyada Soomaaliyeed waxay soo dirtay $8200.
12:Siciid Cali Garaase USA $650.
13:Maxamed Cabdi  Maxamuud.Gabdhaha Masaajidka Admintn ee UK.$2200.
14:Cabdikariin Jaamac Warsame Oslo-Norwey  $711.
15:Sweden magalada Toksho $6417.lacagtaasi waxaa culimadda soo gaarsiiyay Shiikh Cabdiqaadir Farnuug,Shiikh Xuseen Cabdi Aadan,Shiikh Axmed Cabdi Cusman.Shiikh Maxamed Xaashi.Ibraahim Aadan.

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Facebook
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Twitter
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Google+
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20180

Trending Articles