Buuhoodle[RBC Radio]Maamulka Khaatumo oo sanadkii anuu ka soo gudubnay lugu yagleelay magaaladda Taleex ee gobolka Sool ayaa diignin u gudbiyay maamulka Soomaaliland ee m/weyne Siilaanyo.
Maamulka Khaatumo ayaa Soomaaliland ugu baaqay inay ciidankooda kala baxaan deegaanada ay ka joogaan gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn.
Maxamuud Sh. Cumar Xasan oo kamid ah masuuliyiinta Khaatumo oo saxaafadda kula hadlay magaalada Buuhoodle ayaa tilmaamay in maamulka madaxweyne Siilaanyo inuu u hogaansamo fariimaha kaga imaanayo reer Khaatumo ciidankiisana uu kala baxo Soomaaliland.
Maxamuud Cumar Xasan ayaa isago hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay inay is hor fadhiyaan ciidanka Khaatumo iyo kuwa Soomaaliland islamarkana ciidamada Khaatumo ay marwalba ku dadaalayaan inaysan abaabulin dagaal haddii uu dhaco qasaare uu ka dhalan karo.
“Maamulka Soomaaliland waxan in badan ugu baaqnay inay si nabad galya ah u baneeyan deegaanada Khaatumo ku abtirsada oo ay leeyihiin shacabka Khaatumo marwalbanaa nabad galyo ayuu ugu baaqna in ay wax ku raadiyan illa hadana nooma muqoto inay dhagahooda ufurayan waxan ugu baaqeno,ciidamadena iyo kuwaa maamulkaasi waa ay is horfadhiyaan”waxaa sida hadalkiisa ku sheegay Maxamuud Cumar Xasan oo kamid ah hogaanka maamulka Khaatumo.
Hadaalkan kasoo baxaya xubno katirsan Khaatumo State ma aahaa markii ugu horaysay oo ay Soomaalilaand ka dalbadan in ciidanka Soomaaliland si nabad galya ah ay oga baxaan deegaanada Sool,Sanaag iyo Cayn.
Isku soo wada duuboo maamulka Khaatumo ayaa dhawr jeer oo hore ku celiyay dhanbaal ah in Soomaaliland ay si nabad ah isaga baxdo deegaanada SSC.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio Xafiiska Wararka Gaalkacyo