Qardho(RBC Radio) Waxaa Maanta si weyn magaalada Qardho loogu soo dhaweeyey Musharax Maxamed Cabdi Nuur Xirsi oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxtinimda Puntland,waxaana soo dhaweyntiisa ka qeybgalay Nabadoonada,Dhalinyarada,Haweenka,iyo qeybaha Bulshada,waxaana lagu soo dhaweeyey gawaari aad u badan iyadoo ay qeybg ka aheyd fardooleyda oo hareer socotay Gaariga uu saarnaa musharax Maxamed Cabdi Nuur Xirisi.
Dadweynihii so dhaweeyey Musharaxa ayaa waxa ay ugu hortageen meel 25km u jirta dhanka koonfureed magaalada Qardho,waxaana halkaasi lagu soo bandhigay Ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka oo qeybga ka ahaa soo dhaweynta Musharaxa.
Musharax Maxamed Cabdi Nuur Xirsi markii uu soo gaaray magaalada Qardho ayaa waxa uu la hadalay dad weynihii ka qeybgalay soo dhaweyntiisa,waxa uu shegay in uu aad ugu faraxsanyahay soo dhaweynta maanta uu kala kulmay Magaalada Qardho.
“soo dhaweynta taageeridda,waraaltinimada ,ehelnimada ay maanta muujiyeen reer qardhood, waxa weyey mid igu reebi doonto xusuus dheer oo aan xusuusto waxaana mahadbalaaran u jeedinaya shacabka ku nool gobolka karkaar,gaar ahaan shacabka ku nool magaalada Qardho isimada,odayaasha Waxgaradka Dumarka aradayda waxana leeyahay aad baad u mahadsantihiin”sidaasi waxaa Yiri Musharax Maxamed Cabdi Nuur.
Soo dhaweynta maanta loo sameeyey Musharax Cabdi nuur ayaa si weyn looga dareemay magaalada Qardho waxaana la filayaa in uu shir gaar ah la yeesho waxgaradka,Nabadoonada,Haweenka iyo qeybaha Bulshda ku dhaqan Qardho.