Muqdisho[RBC Radio]Madaxweynaha dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweed war qoraal ah oo xafiiskisa laga soo saaray waxaa si adag loogu cambaareeyeey qarixii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Barri,waxana uu madaxweynaha sidoo kale uu tacsi u diray dhammaan muwaadiniintii ku geeriyootay qaraxaas.
…”"”Argagixisada waxaa looga guuleystay dagaalkii ay kula jireen ummadda Soomaaliyeed, haddana waxay billaabeen inay shacabka Soomaaliyeed meel walbo ay joogaan ay laayaan. Insha Allah waan ka guuleysan doonaa,” ayuu madaxweynuhu ku yiri qoraalkii uu soo saaray.
Madaxweynaha sidoo kale wuxuu sheegay inuu ALLE uga baryayo in shacabkii maanta ku geeriyooday qaraxii Bosaaso uu Jannatul Fardowsa ah ka waraabiyo.
“Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ku bogaadinyaa in hal meel ay uga soo wada-jeestaan ciribtiridda cadawga Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo sheegay in tani ay qayb ka tahay dhibaatada Soomaalida lagu hayo.
Hadalka madaxweynaha ayaa yimid ka dib markii maantay qaraxa khasaare nafeed geestay uu ka dhacay bartamaha magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso.
_____
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho