Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20180

Xarumihii caafimaadka ee ay baneysay MSF oo dib loo howlgaliyey Jowhar[Sawirro]

$
0
0

1

Jowhar[RBC Radio]Waxaa dib shaqadoodi u bilaabay xarumihii caafimaadka degmada Jowhar ee xirmay markii ay baneysay hay’adda MSF oo joojisay shaqaayinkeedi caafimaad ee ay ka wadday guud ahanba dalka oo idil.

Degmada Jowhar oo xarun uu ah gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa inta badan xarumaha caafimaadka ee ku yaallay howla shaqo u iman jiray dadka ku nool gud ahaanba gobolka,waxana tan iyo markii ay xirmeen xarumihii caafimaadka ee gobolkaasi la sheegay in xaaladda caafimad darro ay ka dhashey gobolka.

Xilligaan hay’adda IMC (International Medical Corpse) ayaa la wareegtay howlihii ay ka waday gobolka Shabeellaha dhexe haya’dda MSF.

Xarumaha sida tooska ah xilligaan howlahooda caafimaad u bilaabay waxaa ka mid ah Cisbitaalka haweenka iyo carruurta iyo xarumo bukaan socod oo ku yaall magaalada Jowhar iyo deegaanka Gololey,waxana furitaanka Cisbitaalka haweenka iyo carruurta howlihiisa ay bilowdey maalinkii shalay waxana halkaa ku dhashay hooyadii ugu horeysay.4

Furitaankii xarumaha waxaa ka qeyb qaatay mas’uuliyin ay ka mid yihiin xiriiriyaha isku dubaridka deeqaha aadamiga ee Qaramada Midoobay Filippe Lazarani oo ay la socdaan ku-simaha guddoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe Yuusuf Cabdi Cabdulle iyo guddoomiyaha degmada Jowhar Maxamedamiin Cismaan Xaaji Cabdulle,waxana ay koor meer ku tageen Cisbitaalka hooyada ee degmada Jowhar,waxana ay noqonaysa furitaankiisa inuu dib u howlgallayo boqol maalmood kadib.

Waftigaan waxaa ay lugta soo mariyeen qeybaha kala duwan ee uu Cisbitaalka ka kooban yahay iyagoona warbixino ka dhageystay maamulka Cisbitaalka oo ka warbixiyey sida ay xilligaan tahay xaaladda uu Cisbitaalku ku furmay maadamaa hay’adda cusub ay la waregtay shaqadiisa.

Arrintaan ayaa imaanaysa xilli gobolka Shabeellaha dhexe uu ku fatahay dhawaan wabiga Shabeelle,kaaso saameen xogan ku reebay dadka deegaanka.

2

 

____
RBC Radio

Xafiiska Jowhar

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20180

Trending Articles