Wargeyska The Guardian,ee ka soo baxaa dalkaasi Marekanka ayaa qoray in dib loo dhigay dacwad loo heystay muwaadin Soomaaliyed,kaaso sir-doonka Marekanku ay ku soo eedeyen inuu xiriir la leeyahay Ururka Al Shabaab ee ka dagaallama guddaha Soomaaliya.
Waxaa lugu sheegay sababta xilligaan kentay in markale dib loo dhigo dacwada muwaadinkaan Soomaaliyed inay tahay,in sir-doonka Marekanku ay rabaan inuu bixiyo warbixin uu ku faah-faahinayo xiriirkii wadda shaqeeyned ee uu la lahaa Ururka Al Shabaab oo xiriir la leh uru weynaha Al-Qaa’ida.
Muwaadinkaan loo haysto inuu xubin ka yahay Al Shabaab ayaa waxaa lugu magacaaba Ahmed Abdulkadir Warsame,waxana dib loo dhigay maxkamadeyntiisa illaa iyo haddana looma gudbin maxkamada sare ee dalkaasi Mareykanka,sida ay sheegeen Qareeno u hadlay.
…”"”"Sababtu waxaa ay tahay oo an wali maxkamadan loo saarin Ahmed Abdulkadir Warsame wuxuu la shaqeynayay Dowlada Mareykanka,isagoona heshiisyo badan lala garab taagnaa,lama xukumayo ilaa iyo inta Dowlada ka go’aansaneyso inay ka dhan tahay u baahnaashaha caawintiisa…”"” ayuu yiri Priya Chaudhry,oo ah Qareenka u doodayay Mr Warsame.
Ninkaani Soomaaliya ah ayaa waxaa ay xireen ciidamada dalkaasi Marekanka Bishii April 2011,waxana xilligii gacanta lugu dhigay qorshihiisu uu ahaa inuu dib ugu soo laabto Soomaaliya,isagoo ka soo kicitamay dalka Yemen.
Si kastaba wali lama xaqiijin xilliga rasmiga ah ee la furi doono dhageysiga dacwada loo haysto Ahmed Abdulkadir Warsame,mana jirto wali cid arrintiisa faah faahisay.
_____
RBC Radio