Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xildhibaanadii Riday Xukuumadda Saacid oo Xalay Xaflad Casho Loogu Sameeyay Villa Soomaaliya (SAWIRRO)

$
0
0

IMG_1371Muqdisho (RBC) Munaasabad casho sharafta uu Gudoomiyaha Baarlamaanka u sameeyey Xildhibaannada Golaha Shacabka oo aheyd mid qaban qaabadeeda si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar,Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla,intabadan Mudaneyaasha Baarlamaanka,xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo marti sharaf kale.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo Khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu horeyn ku ammaanay Gudoonka Golaha Shacabka sidii quruxda badneyd ee ay fadhiyada Baarlamaanka u hogaamiyeen kulammadii ugu xasaasisanaa ee la xiriiray doodaha mooshinka Kalsooni kala noqoshada Xukuumadda waxaana ay Xildhibaannadu u mahad celiyeen Ra’isulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)oo ay ku ammaaneen sida geesinimada leh ee go’aanka Baarlamaaanka uu u aqbalay,sidoo kalena XIldhibaannada waxa ay Madaxweynaha ka codsadeen inuu soo dedejiyo magacaabista Ra’isulwasaaraha cusub ka hor fasaxa Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka.

IMG_9934

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa xusay in u jeedada Munaasabaddan ay tahay in Gudoonka Baarlamaanka uu u mahad celiyo Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaana uu yiri “Mahadsanidiin maadaama aad ilaaliseen Qalbigii shacabka,Mahadsanidiin maadaama aad muujiseen mas’uuliyadda Xildhibaannimo,Mahadsanidiin maadaama aad xal ka gaarteen mushkilad la idiin horkeenay,Mahadsanidiin in markii aan Xeer Hoosaadka iyo Dastuurka soo qabsado qodobadiisa aad iigu hogaansanteen”

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay midnimada Baarlamaanka waxaana uu tilmaamay in Baarlamaanku uu yahay tiir dhexaadka Dowladda islamarkaana ay shacbiga Soomaaliyeed ku tashanayaan sidaasi darteedna ay lagama maarmaan tahay in la ilaaliyo wadajirka iyo Midnimada Baarlamaanka,sidoo kalena waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka aad u ammaanay doodihii Xildhibaannada taasi oo ka turjumeysa hirgelinta dhaqan dimuqraadiyadeed.

IMG_1321

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey gebagebadii Munaasabadda ayaa ugu horeyn Xildhibaannada Baarlamaanka iyo Gudoonkaba ku ammaanay sidii quruxda badneyd ee ay u guteen waajibaadkooda qaran,sidoo kalena waxa uu Madaxweynaha u mahad celiyey islamarkaana ammaanay Ra’isulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

“waxaa runtii aan rabaa inaan aad idiinkugu ammaano sidii quruxda badneyd ee Baarlamaanku waajibaadkiisa u gutay,welibo waxaan si gaar ah u ammaanayaa sidii ay Xildhibaannadu kulammadii doodaha ahaa u qabsadeen ayadoo taasina Shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah ula socdeen,xaqiiqdii waadna raali geliseen Shacabka,mar hadaad shacabka raaligeliseenna Alle ayaad raali geliseen aad ayaan idiinkugu ammaanayaa”ayuu khudbadiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isagoo talaabadaasina ku tilmaamay mid kalsoonida shacabka ee Dowladnimada iyo dimuqraadiyada soo nooleysay.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay soo jeedinta Xildhibaannada ee la xiriirtay in la dedejiyo magacaabista Ra’isulwasaaraha cusub waxaana uu tilmaamay in howsha hortaala aysan yareyn laakiinse uu ku kalsoonyahay in wax waliba ay noqon doonaan kuwo loogu guuleysto sida hada lasoo jeediyey ka hor waqtiga fasaxa Baarlamaanka ama kadib,waxaana uu Alle ka baryey in dhammaanba howlaha horyaala uu ku guuleeyo.

IMG_1411

Munaasabadda ayaa kusoo gebagebowday jawi aad u qurux badan ayadoo intii ay Xaflada socoteyna fanaaniinta hobolada Qaranka ee Waaberi ay kusoo bandhigeen suugaan wadani ah.

IMG_1350
IMG_1351
IMG_9800
IMG_9936-
 photo IMG_1359_zps28f4cde7.jpg
 photo IMG_9800_zpsa44fecd4.jpg
 photo IMG_9794_zps33a79e7a.jpg
 photo IMG_9795_zps51db0c6e.jpg
 photo IMG_9796_zpsaefcf1f1.jpg
 photo IMG_9769_zpsce51ecae.jpg
 photo IMG_9782_zps7dad3bcb.jpg
 photo IMG_9788_zpsca51ed9f.jpg
 photo IMG_9777_zps0e511f14.jpg
 photo IMG_1411_zpsf0f52fea.jpg
 photo IMG_9775_zpse9682f18.jpg
 photo IMG_9768_zps7bcac30d.jpg
 photo IMG_1373_zps34e090a9.jpg

_______________________________________
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles