Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Hargeysa (RBC) Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa duhurnimadii maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera isagoo ku sii jeeda magaalada Dubai ee wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Axmed Siilaanyo wax war ah ma uusan siin wariyaasha hase yeeshee wariyaha Raxanreeb ayaa soo sheegaya in wafdiga Siilaanyo u sii raacay safarka Dubai ay ka mid yihiin Wasiirka arrimaha Dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar, Wasiirka maaliyadda Samaale, Wasiirka madaxtooyada Xersi Xaaji Cali iyo Wasiirka ganacsiga.
Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa ku soo koobay ujeedada socdaalka wafdiga martiqaad ay ka heleen mid ka mid ah culimada xukunta Imaaraadka Carabta oo kulan la yeelan doona Siilaanyo iyo wafdigiisa.
Ujeedada socdaalka wafdiga madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa lagu micneeyay u diyaargarowga kulan muhiim ah oo magaalada Dubai toddobaadkan ku dhexmari doona wafdiga maamulka Somaliland iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka iman doona dhowaan Muqdisho.
Wadahadalka dhexmari doona madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Siilaanyo ayaa waxay dhacayaan iyadoo ay dhexdhexaadin xoog leh oo dadaal badan loo galay ay sameeyeen dawladaha Imaaraadka Carabta iyo Qadar oo ku lug leh arrimaha Soomaaliya beryahan dambe.
Siilaanyo ayaa horey Dubai ugula kulmay madaxweynihii hore ee xilligii ku-meelgaarka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. Wadahadalkaasi oo dhacay markii ay bilawdeen kulan dhexmaray wasiiro ka tirsanaa labada dhinac.
Diidmada kulanka London
Kulanka dhexmari doona madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Siilaanyo ayaa imaanaya kadib markii Somaliland ee sheegtay inuu gooni uga go’ay Soomaaliya dhowaan uu ku dhawaaqay inuusan ka qeybgali doonin shir bisha May 2013 ka dhacaya wadanka Ingiriiska kaasoo dawlada Ingiriisku qabanqaabisay hase yeeshee uu gudoomin doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Saraakiisha Villa Soomaaliya ayaa illaa hadda ka hadlin kulanka ka dhici doona Dubai iyo sida ay ku qabsoomi doonaan maadaama labada dhinac aysan horey u lahayn xiriir ka horeeyay kulankan isla markaana labada dhinac ay hadalo kala duwan isaga direen warbaahinta.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ujeedada shirka ka dhacaya Dubai ay la xiriirto sidii loogu qancin lahaa Axmed Siilaanyo inuu ka qeybgalo shirka London, isla markaana wadahadalka dawlada cusub ee Soomaaliya iyo maamulka Hargeysa ay sii socdaan.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
RBC Radio