Beledweyne(RBC Radio) Wafti ka socda hay’adaha qaramada midoobe ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya waftiga ka socda hay’adaha qaramada midoobe oo tira ahaan gaaraya 9 hay’adood ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne kusoo dhaweeyey maamulka gobolka Hiiraan ee dowlada Soomaaliya.
Saraakiisha ka socday hay’adaha qaramada midoobe ayaa kulamo halkaas kula leh masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye madaxa la socodka hawlaha hay’adaha qaramada midoobe ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in hay’adaha soo gaaray magaalada Beledweyne ay kulan hada kula leeyihiin madaxda gobolka.
Muuse Salaad ayaa sheegay in saraakiisha hay’adaha iyo maamulka gobolka Hiiraan ay ka wada arinsanayaan sidii ay hay’adahaasi uga hawl bilaabi lahaayeen isla markaane ay uga qayb qaadan lahaayeen u gargaarida shacabka ku tabaaleysan gobolka Hiiraan.
Hay’adaha ayaa waxaa kamid ah waxyaabaha ugu weyn ee looga dhafiyo iney gacan ka geystaan dhanka caafimaad waxaana xusid mudan maalmihii u danbeeyey uu magaalada Beledweyne fara ba’an ku hayey cudurka shuban-biyoodka oo soo ritay boqolaal ruux oo qaarkood ay wali la ildaran yihiin cudurkaas.
Hay’adaha qaramada midoobe ayaa ka baxay gobolka Hiiraan kadib markii kooxda alshabaab ay la wareegtay gacan ku haynta gobolkaas taasoo amar ku bixisay in hay’aduhu ay ka huleelaan gobolka Hiiraan iyo dhamaan goboladii ay qabsatay ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho