Hargaysa(RBC Radio) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee deegaanada maamulka Soomaaliland Ing.Faysal Cali Waraabe ayaa si kulul uga hadlay colaada kasoo cusboonaatay degmada Taleex ee gobolka Sool oo ay ku dagaalameen maamulada Puntland iyo Khaatumo.
Ing.Faysal Cali Waraabe ayaa ku eedeeyey masuuliyiinta maamulka Soomaaliland iney dayeceen dhulkii Soomaaliland taasine ay keentay iney maamulka dhulkaas ku loolamaan maamulo kale,wuxuuna hoosta ka xariiqay in deegaanka Taleex uu yahay deegaan ka tirsan Soomaaliland sida uu sheegay.
Wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay in xiligan deegaankaas dhiig lagu daadiyo,wuxuuna ku dhaliilay maamulka Soomaaliland inuu faraha ka laabtay arinta ka taagan magaalada Taleex ee gobolka Sool.
“Waxaa hubaal ah inuu mugdi galayo aqoonsigii la siin lahaa Soomaaliland mar hadii sidan loosoo qabsanayo deegaanada hor leh oo ka tirsan Jamhuuriyadda Soomaaliland”ayuu yiri Ing.Faysal Cali Waraabe gudoomiyaha Xisbiga UCID.
Maamulka madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayuu ku eedeeyey inuu faraha kasii bixinayo deegaano ka tirsan dhulka Soomaaliland sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna ugu baaqay iney tallaabo cad ka qaadato arinta ka taagan degmada Taleex ee gobolka Sool.
Dhawaan ayey ahayd markii ay degmada Taleex ee gobolka Sool ku dagaalameen ciidamo ka socda maamulka Puntland oo uu horkacayey madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Gen.C/samad Cali Shire iyo ciidamada maamulka Khaatumo oo gacanta ku hayey maamulka magaaladaasi.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho