Muqdisho(RBC Radio) Al-shabaab ayaa guulo ka sheegtay weeraro ay sheegteen inay ku qaadeen xarumo ay ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin gobolada Banaadir,Hiiraan Jobooyinka,Shabeelaha hoose iyo gobolka Baay.
Afhayeenka dhanka howlgalada u qaabilsan ururka Alshabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab ayaa sheegay in ciidamadoodu ay weerareen xarumo ay leeyihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay khasaare lixaadleh gaarsiiyeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda.
Abuu Muscab ayaa tibaaxay iney weeraro abaabul ku qaadeen xarumo ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin deegaano ay ka mid yihiin deegaanka Awdiinle ee gobolka Baay,magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose,degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan,deegaanka Taabta ee gobolka Jubada hoose iyo magaalada Muqdisho ee xarunta dalka.
Afhayeenka dhanka hawlgallada ee Al-shabaab ayaan si cad u qeexin inta uu la egyahay khasaaraha uu sheegay iney gaarsiiyeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM,wuxuuna ku goodiyey iney sii wadayaan dagaalada ay kala horjeedaan dowladda Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Kaalinaya.
Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaan wax jawaab ah ka bixin sheegashada Al-shabaab.dhaqdhaqaaaqa Al-shabaab oo inta badan ee gobolada dalka xoog Milateri looga saaray ayaa ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ku qaaday dagaalo ku dhufoo ka dhaqaaq ah.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho