Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20140

R/wasaare Saacid oo tacsi u diray dadkii ku geeryooday dagaalka ka dhacay deegaanka Taleex, kuna baaqay in la joojiyo dagaalkaas

Image may be NSFW.
Clik here to view.
saacid0
Muqdisho(RBC Radio) Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaalka ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Sool, R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay aad uga xuntahay dagaalka ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool.

R/wasaaraha dowladda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa tacsi u diray Eheladii ay dadku kaga geeryoodeen dagaalka dhowaan ka dhacay deegaanka Taleex ee dhexmaray ciidamada maamulka Puntland iyo maamulka Khaatuma.

Cabdi Faaxar Shiirdoon Saacid R/wasaaraha dalka ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalada ka dhacaya deegaanno ka tirsan gobolka Sool, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya inay khilaafka ku xaliyaan wada hadal.

”waxaa tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii ay dadku kaga geeryoodeen dagaalka ka dhacay deegaanka Taleex, waxaan ku baaqayaan in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka kasoo cusboonaaday gobolka Sool” ayuu yiri R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.

R/ wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa ka codsaday dhinacyada dagaalamaya inay ka waantoobaan dagaalka ayna khilaafka ku xaliyaan wada hadal si loo badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaankaas.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Facebook
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Twitter
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Google+
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20140

Trending Articles