Kismaayo[RBC Radio]Maamulka KMG ah ee Jubba,ayaa la sheegay xilligaan in la soo dhamestiri doonno,waxana sidoo kale jirta in la caddeyey inay dhanyihiin golaha wasiirada ee uu maamulkaasi yeelan lahaa.
Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shir kula qaatay magaalada Kismaayo Odaayshi soo dhisay maamulka ayaa waxaa uu si cadd hortooda ugu sheegay in xilligaan dhinacooda ay ka soo dhamaatay dhamestirka maamulka oo uu gacanta ku hayo xubnihii ka mid noqon lahaa golaha wasiirada ee maamulku uu yeelanayo.
Axmed Madoobe,waxaa uu sidoo kale Odayaasha uu usheegay inay soo xulaan xubnaha Baarlamaanka ee maamulka kamid noqonaya, isaga oo qeexay inuu sii magacaabayo golaha wasiiradda maamulkiisa si shaqada loosii bilaabo.
….””’Waxaan idin caddeynaya inan dhiseeno maamulkiini,mana jirto wax caqabad ah ama na hortaagan xilligaan,mana jirto cid ay wax nooga dhiman yihiin,waxaa idinkana la idin karabaa inad sida ugu dhaqsiyaha badan usoo magacowdaan xildhibaanada ka mid noqonaya Baarlamaanka maamulka Jubba,anigana golihi wasiirada ayaan soo magacaabaya haddana waxan idin sheegaya way diyarsanyihiin…”"‘ayuu yiri Axmed Madoobe.
Dhinaca kale waxaa uu soo hadal qaaday Axmed Madoobe shirka ka socda magaalada Baydhabo oo la sheegay in lix gobal oo koonfurta Soomaaliya maamul loogu sameynayo, wuxuuna sheegay inay soo dhaweynayaan cid waliba oo dhisanaysa maamul wixii ay ku caawin karaana ay lagarab taagan yihiin.
Ugu dambeyn Sheekh Axmed Madoobe, wuxuu cadeeyay inaysan jirin cid ay la dagaashan yihiin hadii ay yihiin maamulka Jubba, ayna doonayaan kuwada noolaashaha nabada.
Magaalada Kismaayo oo xilligaan saldhig uu ah maamulka Jubba,ayaa ah mid si weyn looga dareemayo qaban qaabada ku aadan soo dhisitaanka Maamulka Jubba, iyadoo qurbajoog badan oo Jubbooyinka kasoo jeeda ay dib ugu noqdeen Kismaayo, kuwaasi oo doonaya inay iska dhex arkaan Golaha Wasiirada ama Xildhibaanada Maamulka Jubba.
_______
RBC Radio
Raxanreeb@gmail.com
Xafiiska Kismaayo