Boosaaso(RBC Radio) Waxaa si wayn oo baaxad leh uga dilaacay magaalada Bosaso cudurka duumada ama Malariyada waana markii labaad uu cudurkan uu ka dilaaco magaalada Bosaso sanadkan gudihiisa.
Wasaarada Caafimaadka laanta Duumada oo so gaartay magaalada Bosaso ayaa hawlahoodi si deg-deg ah ku bilaabay iyago booqday xarumaha caafimaadka dawladeed sida isbitaalka iyo MCH-yada markay tirakoob rasmi ah ku sameeyeenna waxa ay sheegeen in bishii hadda dhaamaay ee November ay 8 da MCH iyo isbitaalka guud ay daaweeyeen 70 qof oo laga helay xanuunkan 3 ka mid ahna ay ku dhinteen isbitaalka Bosaso, halka xarumaha gaarka loo leeyahay ay tiro intaa ka badan ay daaweeyeen hasayeeshe tirakoob rasmi ah aan laga haynin.
Bilowgi sanadkan bishiisii Janaayo ayay ahayd markuu isla xanunkan uu ka dilaacay magaalada Bosaso kaasoo gaaray ilaa iyo dhamaadkii bishi May.
Wasaarada Caafimaadka oo kaashanaysa hay’adaha WHO iyo UNICEF ayaa waxay ka qabteen magaalada Bosaso shaqooyin badan sida baaris iyo daawayn guud, guryaha oo la buufiyay iyo wacyi galin guud si looga hortago dhibataada iyo saamaynta xanunkan uu u geysanayo bulshada Bosaso loona yareeyo khasaaraha.
Waxaa la baaray 35000 oo qof waxana xanuunka Malariyada laga helay tiro gaaraysa 7000oo qof Lana daaweeyay halka 13 qof ay ku dhimatay isbitaalka guud ee magalada Bosaso.
Cudurka Duumada waxa keena kaneecada dhaddiga ah oo loo yaqano Anopheles Mosquito Calaamada lagu gartana waxa ka mid ah Xummad ama Qandho badan, Qar-qaryo, Madax Xanun, Dhidid, Matag iyo abateet la’aan.
Sida la wada ogyahay waxa deegaanada Puntland oo dhan ka da’ay roobab mahiigaan ah kuwaasoo keenay in kaneecada ay ku badato deegaanada Puntland iyo guud ahaan Soomaliya.
Wasaarada Caafimaadka qaybteeda Malariyada oo kaashanaysa Hay’dda WHO iyo UNICEF ayaa ka hawl gali doona magaalada Bosaso iyagoo sameyn doona baaritaan guud iyo daaweeyn qofki laga helo xanunkan sidoo kalena wacyi galin ku aadan qaabka la iskaga ilaalin karo xanuunkan ay ka baahin donaan warfiyeenada ka hawlgala deeganada Puntland
________________
RBC Radio
Boosaaso