Muqdisho(RBC Radio) War hadda naga soo gaaray xarunta golaha shacabka sheegaya in R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid loo diiday inuu hor tago Xildhibaanada Baarlamaanka, kadib markii cod loo qaaday imaanshaha R/wasaare Saacid.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood kulul ka yeeshay imaanshaha R/wasaaraxa xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid, wuxuuna markaas ka dib gudoonka Baarlamaanku amray in cod la gelsho imaanshaha R/wasaare Saacid.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa gudo galay markaas ka dib inay cod u qaadaan imaanshaha R/wasaare Saacid, waxaana aad u tira badan Mudanayaasha kasoo horjeestay imaanshaha R/wasaaraha dowladda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.
R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa hore uga codsaday gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya inuu tago xarunta golaha shacabka si uu isga difaaco eedeeymaha ay Xildhibaanadu u soo jeediyeen R/wasaare Saacid.
Wixii warar ah ee ku soo kordha dib ayaad ka heli doontaan
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho