Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Hoosingow: Iska Horimaad Khasaare Geystay oo Dhexmaray Ciidamo Ka Wada Tirsan Dawlada

$
0
0

Kismaayo (RBC) Wararka naga soo gaaraya deegaanka Hoosingow ayaa sheegaya in ugu yaraan labo ruux ay ku dhinteen shan kalana ku dhaawacmeen ka dib markii xalay ciidamo ka tirsan kuwa dawlada ay weerar ku qaadeen ciidan kale oo ku sugnaa saldhiga booliska ee Hoosingow.

Labada ruux ee dhimatay ayaa ahaa askartii dagaalku dhexmaray halka dadka dhaawacmayna ay ku jiraan dad rayid ah oo habeenimadii rasaastu ugu tagtay guryahooda.

Qof ku sugan deegaanka ayaa Shabakada Raxanreeb u sheegay in rasaasta xalay illaa fiidkii laga maqlayey gudaha deegaanka Hoosingow, xaaladana ay degtay ka dib markii ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM oo halkaasi fariisin ku leh ay arrinta soo farageliyeen.

Xaalada ayaa saaka degan, waxaana saldhigii weerarku ka dhacay la wareegay ciidamada Kenya.

Ma jirto wax war ah oo saraakiisha ciidamada ee ku sugan gobollada Jubbooyinka ay ka sheegeen dhacdadan ka dhacday deegaanka Hoosingow.

Dhanka kale xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka iyo odayaal dhaqamadeed ku sugan Muqdisho ayaa ka codsaday dawlada iyo ciidamada AMISOM inay faragelin ku sameeyaan xiisadaha dhowaanahan ka taagan Jubbada Hoose si amaanka gobolkaasi uusan faraha uga bixin.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles