Kismaayo (RBC) Madaxa hawlgalka dekedda Magaalada Kismaayo Isaaq Cabdullaahi ayaa Shabakada Raxanreeb uga waramay markii ugu horreysay qaabka ay u shaqeyso dekedda magaalada Kismaayo taasoo mudo afar bilood iyo dheeraad ah gacanta ugu jirta maamulka Kismaayo ka dib bixitaankii ururka Al Shabaab ee ka talin jiray magaaladaasi.
Dekedda Kismaayo ayaa sida Isaaq Cabdullahi uu sheegay ah tan ugu canshuurta yar guud ahaan dekedaha dalka inkastoo badeecadaha ka soo dega ay yihiin kuwo aad u yar. Inta badan doonyaha ayaa ku soo xirta dekeda oo kuma badna maraakiibta. [HALKAN KA DAAWO SAWIRRO DEKEDDA KISMAAYO]
Badeecadaha ka dega dekedda Kismaayo
Mar aanu weydiinay madaxa hawlgalka dekedda Kismaayo noocyada badeecadaha ka soo dega dekedda, ayuu sheegay inay u badan yihiin bagaashka noocyadiisa kala duwan, cuntada daruuriga ah, shamiintada qalabka korontada, baabuurta, qalabka guryaha iyo badeecado kale oo shidaalka iyo qalabka dhismaha ka mid yihiin.
“Tusaale ahaan loorkii bariis ah [50 kg] waxaan lagu canshuuraa hal doolar, loorka burka ahna waa la mid.” ayuu yiri Isaaq Cabdullaahi oo gudaha dekedda Kismaayo ugu waramay wariyaha Raxanreeb Cabdalle Muumin oo Kismaayo booqasho ku tagay.
Dekeda Kismaayo ma jiraan wax ka dhoofa hadda, ka dib markii la joojiyey dhoofintii dhuxusha oo ay Qaramada Midoobay mamnuucday, isla markaana amar kale ka soo saartay dawlada federaalka Soomaaliya.
Sidee wax loo canshuuraa?
Sida uu Raxanreeb u sheegay Isaaq Cabdullaahi canshuurta dekedda Kismaayo kuma saleysna nooca badeecada mana jirto hanaan tariifo oo qiimeysan oo dekedda wax ku canshuurto, waxaana taasi bedelkeeda la isticmaalaa hab canshuureed ku saleysan tiro “quantity” taasoo mararka qaar aan u caddaalad sameyneyn ganacsatada la soo degeysa badeecadaha kala duwan oo laga yaabo in isku qiime laga qaado kuwa la soo dega qalabka qaaliga iyo kuwa keensanaya badeecad aan qaali ahayn xagga suuqa gudaha.
Badi doonyaha yimaada dekedda Kismaayo waxay u kireysan yihiin ganacato Soomaaliyeed sidaas darteed waxay marka hore soo maraan dekedda Muqdisho ka hor intaysan ku xiran dekedda Kismaayo.
Dakhliga dekedda Kismaayo
Dekedda Kismaayo waxay martigelisaa toddobaadkii illaa labo doonyood, waxayna masuuliyiintu sheegeen in waqtigan oo dabeylo badan ay jiraan ay sii yaraadeen tirada doonyihii iman jiray dekedda.
Madaxa hawlgalka dekedda Kismaayo waxaan weydiinay inuu noo sheego dakhliga guud ee dekedda iyo qiimaha canshuurta ee ay ka qaadaan gaadiidka dekedda yimaada hadey yihiin maraakiib iyo hadey yihiin doonyo intuba, wuxuuna ku jawaabay.
“Walaahi bil ma aan fiirin, waa iska qiyaas marba waxbaa soo bixi kara,… adugu waa meel iska dhexdhexaad qiyaas uun.” ayuu yiri isagoo aan rabin inuu marnaba sheego tirada guud ee dakhliga dekeda Kismaayo.
Waxaan weydiinay tusaale ahaan doonta kaliya ee dekedda ku soo xirata lacagta laga qaado?
“Ma badna, anigu waxaan goobjoog u ahaa doon dhan oo alaab keentay oo Xamar lagu soo dejiyey oo la canshuuray [custom] uu noqday 700 doolar. Celcelis ahaan shan kun doolar illaa lix kun doolar” ayuu yiri Isaaq oo markale ka warwareegay inuu caddeeyo wax soo saarka dekedda Kismaayo.
“Dadku waxay aaminsan yihiin in dekedda dhaqalw badan ka soo baxo.” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.
Yaa qaata lacagta dekedda?
Waxaan markale weydiinay halka ay maamulka dekedda geeyaan lacagta ka timaada dekedda maadaama uusan jirin bangi ku yaalla Kismaayo oo hadda lacagta lagu xareeyo? Wuxuuna ku jawaabay.
“Lacagta maamulka ayaa qaata hadee, maamulka ku-meelgaarka ee magaalada Kismaayo ka jira ayaa isticmaala oo xaajaadkiisa [danihiisa], maamulkiisa iyo ciidankiisa iyo barnaamijkiiisa ku bixiya.” ayuu ku jawaabay Isaaq Cabdullaahi.
Burburka dekedda maxay ka qabteen?
Waxaan weydiinay in lacagtaasi wax looga dayactiray qeyb ahaan dekedda Kismaayo ee burbursan iyo haddii ay jiraan waxay maamulka hadda ka jira Kismaayo ka qabteen, wuxuuse masuulkan sheegay in dekedda dayactirkeeda ay ka weyn tahay maamulka Kismaayo oo uusan waxba ka qaban karin wuxuuna sheegay in kaalmo caalami ah mooyee aan waxba laga qaban karin burburka dekedda ka jira.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
RBC Radio