Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xukuumada Soomaaliya oo Maamulo Kumeelgaar ah u Magacowday Degmooyinka & Deegaanada Gobolka Galgaduud

$
0
0

 

Caabudwaaq(RBC Radio) Dowlada Soomaaliya ayaa maamulo u magacowday deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo ay maalmihii danbe ku sugnaayeen R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid iyo wafti ballaaran oo uu hogaaminayo kuwaas oo ay ka mid yihiin wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya xildhibaano kasoo jeeda deegaanadaas saraakiil ka tirsan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

Ujeedka safarka waftiga ayey ku sheegtay dowlada Soomaaliya sidii maamulo kumeel gaar ah ugu magacaabi lahayd deegaanada gobolka Galgaduud kuwaas oo xilka haya muddo 6 bilood ah wareegto uu ku saxiixan yahay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada Soomaaliya mudane Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa gudoomiyaal loogu magacaabay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Wareegtada kasoo baxday wasiirka arimaha gudaha ayaa waxaa gudoomiyaha degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka loogu magacaabay Macalin C/raxmaan Cali Max’ed Geeda-Qorow,gudoomiyaha  degmada Caabudwaaq ayaa waxaa loo magacaabay Axmed Jaamac Dhirif,halka deegaanka Guriceel loo magacaabay Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed).

Deegaanka Balanballe ayaa waxaa loo magacaabay Hareeri Xasan Barre iyadoona wareegtada kasoo baxday wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka gudoomiyaha  deegaanka Xeraale loogu magacaabay Bashiir Daahir Yuusuf Iyadoona deegaanka Dhabbad gudoomiye looga dhigay  Aadan Gebi. magacaabistan ayaa daba socota kadib markii ay xukuumada Soomaaliya hore shaaca uga qaaday iney guud ahaan gobolada dalka u dhisi doonto maamulo kumeelgaar ah oo hoos yimaada dowlada Soomaaliya.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles