North America [RBC Radio]Wali waxaa soconayo dadaaladu loogu jiro in gar-gaar la garsiiyo dadkii ay saamaynta ku reeben roobabkii dabaylaha watay ee dhawaab ka da’ay dhul badan oo ka tirsan Puntland.
Waxaa la sheegaya in xilligaan ay wanagsan tahay inta badan xaaladda ay ku jiraan dadka ku nool deegaannada ay sida weyn uga da’een roobabku,waxana madaxweynaha Puntland Dr Faroole oo arrinta ka hadlayana uu sheegay in isbadal uu ka jiro dhulka ay roobabki saameeynta ku reeben.
Iyadoo ay taasi jirto ayaa haddana waxaa la sheegaya in wali loo bahan yahay gar-gaar ay helan dadkaasi,waxana jirta in boqollaal dad ah ay yihiin xilligaan kuwo cayr ah,maadamaa ay horey u ahaayen dad xoolo dhaqato ah,xolahoodina xilligaan ku waayey roobabkii da’ay.
Dadka Soomaalida ah ayaa iyagu wali waxaa ay ku mashqulsan yihiin sidii ay gacan uga geysan lahaayeen xaaladda xilligaan jirta,waxana culimada Soomaaiyed ee ku nool waqooyiga Maraykanka ay bilaaben qoryashaal lugu aruurinayo lacago la doonayo in loogu deeqo dadkaasi.
Waxaa si gaar ah ay ugu socdaan dadaalada deeqda lugu aruurinayo xarumaha Islaamka ee ay Soomaalidu maamusho,kuwaada ku yaalla woqooyiga dalka Maraykanka oo ay ku noolyinhiin Soomaali badan.
Golaha Imaamyada woqooyiga Maraykanka ayaa iygu xilligaan bilaabay inay soo gudbiyaan dhaqaalo ay aruuriyen,waxana iyga oo kaashanaya Hay’adda Humaniterian African Relief Organization (HARO) ayaa ku deeqay lacag gaareysa 80 kun oo dollar sida ay baahiyen warbaahintu.
Sheek Cabdiraxman Sheekh Cumar oo ah guddoomiyaha golaha shuurada ee Midowga Imamyada North America ayaa sheegay in lacagtan ay tahay qeybtii ugu horeysay ee la aruuriyay,waxaa kaloo sheekha tilmaamay in ay sii wadayaan masaajidada dadaalka ay wadaan oo lagu gargaarayo dadka dhibaateysan.
…”"‘Culamadeena waxaa ka go’aan sidii an ugu qeyb qaadan lahaayen gurmadka loo fidinayo walaalahena dhibtu ay ka soo gartay roobabkii da’ay,qorsha an xilligaan wadnana waa mid bilow ah oo an ku doonayno inan sii ballaarino oo an ku garsiino gud ahaanba dalkani Marakanka,waxana hadda socda qorsho an ku doonayno in masaajidada anuu ka aroorino waxaa ay awoodan oo ay walaalahoda ugu deeqayan….”"”ayuu yiri Sheek Cabdiraxman Sheekh Cumar oo ah guddoomiyaha golaha shuurada ee Midowga Imamyada North America.
Si kastaba ha noqote roobabkii ka da’ay qeybo ka mid ah gobollada Puntland waxaa ay ahaayeen kuwo ay saameyntoodu xoogganed,waxana la sheegay inay wali jirto baahiyo looqabo in dadki ay waxyeelladu soo gartay lugu caawiyo.
_______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio