Boosaaso(RBC Radio) Wafdi balaaran oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika Prof. Cabdirisaaq Hiirad Mxaxamed oo uu ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka Jaamacada Dr Dayid Cali Maxamed ayaa booqasho ku tagay xarumaha xarumaha Jaamacadaha Simad iyo Banaadir,halkaasi oo si wayn loogu soo dhaweeyey.
Jaamacada Bariga Afrika oo kamid ah jaamacadaha ugu balaaran uguna da’da wayn ,jaamacadaha ka jira geyigeena ayaa la leh xiriiro kala duwan kuwa dhigeeda ah ee kuyaal Soomaaliya. Sidoo kale JBA waxay kulama iyo booqasho joogta ah ku samaysaa jaamacadaha kale.
Hadaba ayadoo arintaas laga duulayo ayaa dhawaan waxaaa booqasho ku tagay xarumaha jaamacadaha Simad iyo Banaadir wafti heer sare ah oo uu hogaaminayay gudoomiyaha JBA Dr. Cabdirasaaq Hirad maxamaed.
Wafdigaas aayaa kulamo kal duwan la yeeshay maamulada kal duwan ee jaamacadaah oo ay kamid ahaayee gudoomiyaha Jaamacada Banaadir.Dr. Cabdirisaq Dalmar iyo gudoomiyaha Jaamacadda Simad Dr.Cabdiraxmaan Odawaa (Simad).
Kulamadaas ayaa aad loogu falanqeeyay sidii xiriir joogto ah ay u yeelan lahayeen jaamacadahaas iyo JBA iyo sidii ay isaga kaashan lahaaayeen waxyaalo badan ay kamid yihiin tayaynta iyo kor u qaadida waxbarshada, kawada shaqaynta manaaahijta iyo is dhaafsiga macalimiinta iyo ardayda.
Wafdiga Jaamacada Bariga afrika ayaa si heer sare ah loogusoo dhaweeyay Jaamacadaha Banaadir iyo Simad.
Ugu danbayntii Jaamacada Bariga Afrika waxay heshiisyo kala duwan lasoo saxiixatay labada jaamacadood, heshiisyadaas oo kusaabsanaa sidii si buuxdada ay u wada shaqayn lahaayeen.
________________
RBC Radio