Muqdisho(RBC Radio) Wararka naga soo gaaraya degmada Dharkiinleey ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in maanta halkaas lagu dilay ruux haweeneey ah, sida ay sheegeen dadka deegaankaas 2 dhalinyaro ah oo ku hubaysan Bistooladu ayaa si bareer ah dil ugu gaystay Haweeneey ka mid ahayd dadka degmada Dharkiinleey.
Qof diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa warbaahinta Raxanreeb u sheegay inuu goob joog ka ahaa dilka maanta loo gaystay ruuxa Haweeneeyda ah, wuxuuna sheegay in 2 dhalinyarro ah ay ku soo dhowaadeen ruuxa Haweeneeyda ah ayna markaas ka dib rasaas ooda uga qaadeen.
Goob joogaha oo sii wato hadalkiisa ayaa tibaaxay in markii ay kooxda hubaysan rasaasta ku fureen Haweeneeyda ay goobta ka baxsadeen, dadka deegaanka ayaa sheegay in wiil ay dhashay Haweeneeyda la dilay uu daba orday kooxihii dilka u gaystay hooyadiis, waxayna kooxihii dilka gaystay ugu hanjabeen wiilkii daba orday inay dili doonaan hadii uusan ka harin.
Wuxuuna intaa ku daray goob jooguhu in Haweeneeyda rasaasta lagu furay ay dhaawac halis ah noqotay ayna u qaadeen Cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay in markii ay geeyeen cisbitaalka Madiina ay dhaqaatiirtu u sheegeen inay geeryootay.
Maamulka degmada Dharkiinleey wali kama uusan hadlin dilka maanta degmadaas loogu gaystay ruuxa Haweeneeyda.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho