Boosaaso(RBC Radio) Musharaxa u taagan xilika Madaxtinimada dowladda Puntland Dr Cali Xaaji Warsame ayaa ka warbixiyey kulamadii gaar gaarka ahaa ee uu la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshadda magaaladda Boosaaso.
Musharax Cali Xaaji Warsame oo Shir Jaraa’id Saxaafadda ugu qabtay hoyga uu ka deganyahay Boosaaso ayaa faah-faahin ka bixiyey dhammaan kulamadii uu la qaatay bulshada gobolka Bari iyo booqashayooyinkii uu ku kala bixiyey goobaha Waxbarashada.
Wuxuu sheegay in dhammaan dadkii ay kulmeen kawada hadleen arrimo ay kamid yihiin Puntland iyo mustaqbalka shanta sano ee soo socota isla markaana uu ka dhageystay tallooyin farabadan oo ku aadan sidey u arkaan iney Puntland noqoto shanta sano ee soo socota.
Dr Cali Xaaji Warsame ayaa xusay in dadkii la kulamay u sheegeen iney muhim tahay in miisaaniyada dowladda loo baahanyahay in la fariisiyo,waxaana cad buu yiri in shaqaalihii dowladda muddo mushahar qaadan.
…….””’Waxaa cad in shaqaalihii amniga oo Booliska iyo daraawiishtu aaney musharkoodu muddo helin arrintaasi waxay abuuri kartaa khalkhal xaga amniga ah,waxayna keeni kartaa in dadku ku kalsoonaan waayaan maamulka,canshuuraha iyo maamulka……..””’ayuu yiri.
Sidoo kale,wuxuu xusay in dadku si gaar ah uu daneynayaa in si gaar ah loo ilaaliyo amniga Ciidanka dalka lana saaro Mushaharaadkooda meel,
VIDEO: Shirkiisa Jaraa’id oo arrimo badan uga hadlay hoos ka daawo.
________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
turrabi30@gmail.com