SH/Dhexe(RBC Radio) Alshabaab oo ka hadlay fatahaadaha uu wabiga Shabeelle ka gaystay deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe,gudoomiyaha Alshabaab u qaabilsan gobolka Shabeelaha Dhexe Sheekh Yuusuf Kaba ku tukade ayaa sheegay in fatahaadaha uu wabiga Shabeelle ka gaystay gobolka Shabeelaha Dhexe uu saamayn xoogan ku yeeshay shacabka gobolkaas.
Gudoomiyaha Alshabaab u qaabilsan gobolka Shabeelaha Dhexe Sheekh Yuusuf Kaba ku tukade tilmaamay in fatahaadaha uu wabigu ka gaysanayo gobolkaas uu ku sii faafayo deegaanno hor leh oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.
Sheekh Yuusuf Kaba ku tukade ayaa baaq u diray shacabka Soomaaliyeed wuxuuna ka codsaday inay u soo gurmadaan shacabka walaalahood ah ee ku dhibaataysan gobolka Shabeelaha Dhexe ee uu waxyeelada u gaystay fatahaadaha uu samaynayo wabiga Shabeelle.
Dhinaca kale gudoomiyaha Alshabaab u qaabilsan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in Alshabaab ay aad uga xunyahay dagaalada kasoo cusboonaaday deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee u dhexeeya beelaha wada dega gobokaas.
Sheekh Yuusuf Kaba ku tukade ayaa ka dhawaajiyay in dagaalka u dhexeeya beelaha wada dega gobolkaas ay waxyeello badan u gaysteen shacabka ku nool deegaanada lagu dagaalamayo, wuxuuna sheegay in beelaha dagaalamaya ay waayeen Kitaab ay ku kala baxaan iyo dad si daacad ah u heshiisiiyo.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho