Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Golaha wasiirada oo maanta warbixinno ka dhagaystay gudiyadii loo diray gobolada Shabeelooyinka iyo Hiiraan

$
0
0

golaha wasiirada somMuqdisho(RBC Radio) Golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya oo maanta shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa warbixinno kaga dhagaystay gudiyo ay xukuumaddu u dirtay gobolada Shabeelooyinka iyo Hiiraan, waxayna sidoo kale shirkooda kaga hadleen miisaaniyadda dowladda ee sanadka soo socda.

Kulanka maanta ayaa waxaa shir gudoominayay R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid, R/wasaare Saacid ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay shaqada wanaagsan oo ay soo qabteen gudiyadii wasiirada ahaa ee loo diray gobolada Shabeelooyinka iyo Hiiraan.

Wuxuu sheegay R/wasaare Saacid in dowladda Soomaaliya ay ka shaqayn dooonto sidii ay xiriir dhow ula yeelan lahayd shacabka Soomaaliyeed ee ku nool goboladaas,wuxuuna xusay inay sii xoojin doonaan kalsoonida uu shacabku ku qabo dowladda ayna adkayn doonaan ammaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay dalka ka joogaan.

Wasiirka arimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya oo hor kacayay gudigii gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka warbixiyay kulamadii ay la qaateen shacabka reer baladweyne wuxuuna tilmaamay inay u muujiyeen bulshada reer Hiiraan sida ay u doonayaan dowladnimada ayna u balan qaadeen inay xoojinayaan isku xirka Bulshada ee deegaanada gobolka Hiiraan.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka dhawaajiyay inay aad u soo dhoweeyeen hamiga shacabka reer Hiiraan ay ku doonayaan inay maamul rasmi ay oo ay iyagu soo doorteen ka dhistaan gobolkaas, si meesha looga saaro maamuladii lasoo magacaabi jiray.

Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa dhinaca kale sheegay in dadkii ku geeryooday weerarkii dhowaan lagu qaaday saldhigga ciidamada Booliska degmada Beledweyne ay ku jireen ciidamo Boolis ah oo isku diyaarinayay inay tukadaan Salaada Duhur, taasina ay ka marqaati kacayso in Alshabaab aysan rumaysneen Diinteenna suuban

Dhanka kale wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xasan Sulaymaan ayaa tafaasiil ka bixiyay miisaaniyadda ay wasaaradiisu qorshaynayso sanadka soo socda wuxuuna sheegay inay ka badan tahay miisaaniyadii sanadkii hore.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in wasaaradiisu ay qorshaysay sanadka soo socda lacag gaaraysa 219.milyan oo doolarka maraykanka ah, wuxuuna sheegay inay ka badan tahay lacagihii soo galay wasaaradda  sanadkii hore.

Maxamed Xasan Sulaymaan wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in 128 malyan ay ka imaanayso dakhliga gudaha dalka, halka ay 91 malyanna ka imaanayso kaalmada caalamka wuxuuna xusay in miisaaniyadda cusub ay ka qayb tahay lacag gaaraysa 137 malyan oo aan soo maraynin dowladda, taasi oo loogu talagay in lagu hormariyo dalka.

 

.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles