DAAH IGAMA SAARRA IN MAR 2AAD MADAXWEYNAHA PUNTLAND LOO DOORANDONO DR. FAROOLE WAANA MUDANYAHAY 99.9%
Muuse Xaji Abees
abees11@yahoo.com
Nofeembar 24 2013
Waxaa dhowaan dawladgoboleedka Puntland ku soo wajahan doorashada Madaxweynaha, waxaana bixinaya 66 xildhibaan kaddib markii nadaamkii xisbiyada badan laga horyimid, lana sharaystay, dhiigna lagu daadshay.
Waxaa la rajaynayaa in Xildhibaannada doorasha-da bixinaaya badidood noqdaan xubno cusub oo aqoon, daacadnimo, karti shaqo, waayo aragnimo, waddanimo iyo hufnaan lagu xusho, iyo weliba in ay dhiig cusub iyo labeen ku biiriyaan himilada hayaanka iyo horuumarka Puntland hirgsanayso insha Allaah.
YAAN DOORANAYNAA?
Waxaan dooranaynaa ninka aadan waayin oo ka wareerin oo ah Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole.
MAXAAN KU DOORANEYNAA Dr. FAROOLE?
Waxaan ku dooranaynaa waa siyaasi ruug-caddaa ah. Waa aqoonyahay aad waayo arag u ah, caqli caafimaad qaba kula xisaabtama meelkasta oo ay hawli ka gasho. Waa siyaasiga Puntland soo hoggaaminayey,asaageedna ka koryeelay. Waa siyaasiga keli ah ee har iyo habeen u heellan ka hadlidda midnimadii, jiritaankii iyo karaamadii Ummadda Soomaaliyeed, dunidana ku gaarsiiyey cod iyo qoraalba. Waa siyaasiga aan garanayno inta mashruuc ee manta ka socda Puntland oo aan ka xusi karo garoomada diyaaradaha, Dekedda, jidadka ka socda Garoowe, Boosaaso, Gaalkacayo, arrimaha shiidaalka, inta ceelbiyo farta laga qaaday iyo kuwo iminkaba la bilaabayo. Jidka dheer ee isku xira
Boosaaso iyo Galkacayo. Guulaha Jaamacadaha laga gaaray oo ay u dambaysay Jaamacadda Maakhir oo ay dhisayso dawladda Kuwait iyo weliba Garoonka Caalamiga ah ee ay Kuwait ka dhisayso Garoowe, waana la wada socotaan mashaariicda wax ku oolka ah ee ay dawladda Talyaanigu ka fulisay iyo iyo kuwo qabyo. Faroole waa siyaasiga sida joogtada ah u ilaaliya dayacana u diiday in lagu xadgudbo dastuurka iyo nidaamka Federaaliga. Waa siyaasiga derisyada iyo dunida inteeda kale kasbaday loona aqoonsaday in uu hoggaamiye run ah, dalkastaana u qaabilo sida Barack Obama.
Hadal waa dardaarane Puntland danaheeda dad aan daal u soo gelin, daacadnimo ugu adeegin, cadoow badan ka daaficin, muxuu hadda doonayaa? aniga waa iga dayris ee dadweynoow maxaad idinku intaa ku daraysaan?
Qore:Muuse Xaji Abees
abees11@yahoo.com
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM