Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa dowladda oo saakay ka dhaqaaqay Beledweyne

$
0
0

amisooomBeledweyne(RBC Radio) Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan ay saakay ka ambabaxeen magaalada Beledweyne, iyaga oo ku sii jeeda deegaanada ay wali ku harsan yihiin ururka Alshabaab.

Ciidamada saakay ka ambabaxay magaalada Beledweyne ayaa sida ay sheegeen dadka deegmada Beledweyne waxay yihiin ciidankii ugu badnaa ee ka baxa magaaladaas, waxayna ku sii jeedaan deegaanada ku dhow dhow degmada Beledweyne oo ay ku sugan yihiin ciidamada ururka Alshabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada saakay ka baxay magaalada Beledweyne ay ku sii jeedaan deegaanada kale ee gobolka Hiiraan si ay uga xoreeyaan ururka Alshabaab.

Ciidamada saakay ka dhaqaaqay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaan wali laga warqabin halka ay rasmi ahaan ugu wajahanyihiin.

Saraakiisha ugu saraysa ciidamada xoogga dalka ayaa hore u sheegay in kor loo qaadi doono awoodda ciidamada ku sugan gooblka Hiiraan si ay uga xoreeyaan kooxaha ka tirsan Alshabaab ee dhibaatooyinka u gaystay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolkaas.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles