Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka hadli doona mooshinka laga keenay R/wasaare Saacid

$
0
0

baarlamaanka jamhuuriyadaMuqdisho(RBC Radio) Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ay kulan ku yeeshaan, kulanka ayaa looga hadli doonaan muushinka ay Xildhibaanada Baarlamaanku ka keeneen R/wasaarasa xukumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo 15-ka guddi ee jootada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho waxayna kaga hadleen qaabka ugu wanaagsan ee looga dood karo mooshinka R.wasaare Saacid.

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta loo qaybiyo qoraalada mooshinka laga keenay R/wasaare Saacid, si ay usoo aqristaan ayna markaas ka dib uga doodaan islamarkaane ay go’aan uga gaaraan khilaafka Madaxweyne Xasan SH Maxamuud iyo R/wasaare C/faarax Shiirdoon Saacid.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin ka dhan ah R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya u gudbiyay gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya, Xildhibaanada mooshinka gudbiyay ayaa tiradooda lagu sheegay inay gaarayaan 168 Mudane.

Dhinaca kale Xafiisyada madaxweynaha iyo R/wasaaraha ayaa waxaa iminka ka socda dadaallo xooggan oo uu mid kasta ku doonayo inuu helo taageerada Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, wararka qaar ayaa sheegay in labada masuul ay kala jiidashada Xildhibaanada ku bixinayaan dhaqaale si uu mid kasta midka kale uga guulaysto.

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga wada sugayaa sida ay ka yeeli doonaan mooshinka laga keenay R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliy Muadne C/faarax Shiirdoon Saacid.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles