Dhadhaab(RBC Radio) Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ee xaunta dalka Kenya Maxamed Cali (Ameeriko) iyo wafdi balaaran oo la socday ayaa maanta gaaray xeryaha qoxotiga Soomaalidu degto ee dalka Kenya,waxaana ka mid ahaa wafdiga la socda safiirka wasiirka arimaha gudaha Kenya josef ole lenku, gudoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha (IDPS) ee dowladda Soomaaliya Mudane Axmed Daahir C/raxmaan, madaxa laanta arimaha qoxootiga ee dalka Kenya Getalo, iyo madaxa Hay’adda UNHCR ee dalka Kenya Ra’uuf.
Wafdi uu hogaaminayay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Ameerika ayaa kormeer ku tagay xerada qoxootiga ee Dhadhaab waxayna soo indha indheeyeen xaaladaha ka jira xeradaas iyo shacabka ku nool xeradaas sida ay xaaladoodu tahay.
Maxamed Cali Ameeriko safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya ayaa kulamo saacado qaatay la yeeshay horjaagayaasha xerada Dhadhaab waxayna ka wada hadleen arimo ay ka mid ahaayeen sida ugu wanaagsan ee dib loogu celin karo dalka qoxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha Kenya.
Safiirka ayaa sidoo kale booqday xerada Ifo 2 wuxuuna u kuurgalay xaaladah dhabta ah ee ka jira xeradaas, safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya ayaa ujeedada safarkiisa lagu sheegay inuu soo qiimaynayay qaabka ugu wanaagsan ee dib loogu celin karo dalka qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha qoxootiga Kenya.
Wafdiga maanta gaaray xeryaha qoxootiga Dhadhaab iyo Ifo ayaa la sheegay inay dib ugu soo noqon doonaan maalinta barri ah, ayna booqan doonaan dhamaan xeryaha qoxootiga Kenya, Ialamarkaane ay kulamo la qaadan doonaan shacabka ku nool xeryahaas.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho