Muqdisho(RBC Radio) Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xiray labo wariye oo ka howlgala warbaahinta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, dowladda ayaa ku eedeeysay wariyayaashaas inay fal kufsi ah u gaysteen gabar wariye ah.
Wariye Cabdi Casiis Guuleed Afrika iyo wariye Jibriil ayaa maanta loo taxaabay xabsiga ka dib markii lagu soo eedeeyey inay kufsadeen gabar sida la sheegay saxafiyad ah, ciidamada dowladda Soomaaliya ee maanta soo xiray wariyayaashan ayaa tilmaamay inay u soo qabteen eedeen loo soo jeediyay.
Wararka ka imaanaya xarunta dambi baarista ee C.I.D-da ayaa sheegaya in la geeyay wariyayaasha maanta ay xireen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, waxaan wax laga waydiinayaa falka lagu soo eedeeyey waxa ay ka ogyihiin.
Ciidamada ammaanka dowladda federaalka ee maanta xabsiga u taxaabay wariye Cabdi Casiis Guuleed Afrika iyo wariye Jibriil ayaan wali wax faah faahin ah ka bixin xarigga wariyayaasha caanka ka ah gudaha Soomaaliya.
Hore ayay dowladda federaalka Soomaaliya xabsiga u dhigtay gabar sheegtay in la kufsaday iyo wariyayaashii ay u warantay, waxayna dowladda Soomaaliya sheegtay inay ka ka been abuureen war ay u soo gudbiyeen saxaafadda.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho