Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20476

R/wasaaraha Soomaaliya Saacid oo lugu wado bilowga toddobaadka soo aadan inuu booqdo Kismaayo

$
0
0

Muqdisho [RBC Radio]Wararka laga helayo illo ka agdhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in bilawga toddobaadka soo aadan la filayo in R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) uu tagii doono magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Socdaalka R/wasaaraha iyo wafdigisa oo luguwado biloga toddobaadka ina soo aadan inuu ku tago Kismaayo ayaa qabanqaabadeeda si weyn looga hadal hayaa xarunta madaxtooyada ee Muqdisho, waxaana la filayaa inta ka horaysa sabtida si weyn loo sii adkeeyo ammaanka magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale Guddoomiyaha guddiga farsamadda ee shirka maamul u samaynta Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa  sheegay in maalinta Sabtida ah in uu magaaladda Kismaayo imaan doono wefdi uu hoggaaminayo R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Guddoomiyaha guddiga farsamadda ee shirka maamul u samaynta Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo Macalin Maxamed Ibrahim ayaa sidoo ale tilmaamay in uu R/wasaaraha booqon doono xarunta ay ku sugan yihiin ergooyinka ka qayb galaya shirka lugu dhisayo maamulka Jubbo-land kaasi oo xiligaan qaban qabadisu kasocoto Kismaayo.

Sidoo kale waxaa uu Guddoomiyuhu hadalkisa ku soo qaday in imaatinka R/wasaaraha looga goleyahay soo afjarida  in meesha laga saaro khilaafka Guddiga maamul u samaynta iyo Dowladda Federaalka ah.

R/wasaaraha Soomaaliya ayaa tan iyo intii la magacaabay waxaa uu booqday gobolada Shabeelaha hoose, Hiiraan, Galguduud, Nugaal iyo Mudug waxaana booqashadiisa Jubadda hoose ay noqonaysaa markii ugu horaysay oo uu booqdo magaalo tan iyo intii loo magacaabay wasiirka kobad ee xukuumada Soomaaliya.

Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20476

Latest Images

Trending Articles



Latest Images