Muqdisho(RBC Radio) Saraakiisha ciidamada Amisom ayaa si kulul u cambaareeyey dhibaatooyinka ururka alshabaab uu u geystay shacabka magaalada Xudur oo dhawaan ay dib ula wareegeen kadib markii ay banneeyeen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo muddo sanad ku dhawaad ah gacanta ku hayey magaaladaas.
Warsaxaafadeed uu soo saaray taliyaha guud ee ciidamada Amisom Andrew Gutti ayaa si kulul loogu dhaleeceeyey falalka kooxda alshabaab ay ka geysatay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool Gen.Gutti ayaa sheegay in taliska Amisom ay ka xunyihiin dhibaatadii alshabaab ay kula dhaqaaqeen shacabka magaalada Xudur.
Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in taliska Amisom ay ku jiraan diyaargowga qorshe ay kula wareegayaan guud ahaan deegaanada gobolada Baay iyo Bakool isagoona tilmaamay in dhibaatada lagu hayo shacabka goboladaas ay tahay wax aan loo dulqaadab karin,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in ciidanka Amisom uu so dhaqso ah u gaari doono deegaanada ay gacanta ku hayaan kooxda alshabaab ee gololada Baay iyo Bakool.