Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Cudur aan la aqoonin wuxuu yahay oo ay u geeryoodeen dad kor u dhaafaya 100 ruux oo ka dilaacay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan

$
0
0

raxanreebBeledweyne(RBC Radio) Wararka laga helayo deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa sheegay in halkaas uu ka dilaacay cudur aan la aqoonin waxa u yahay oo ay u geeryoodeen ku dhowaan 100 ruux, Diktoor Aadan oo ku sugan deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa sheegay in cudurka cusub ee ka dilaacay gobolka Hiiraan uu qasaare nafeed oo baaxad wayn u gaystay shacabka gobolka Hiiraan.

Diktoorka oo sii wata hadalkiisa ayaa tilmaamay in cudurka cusub ee ka dilaacay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan uu yahay mid qofka qoortiiisa qaloocinaya Islamarkaane gacmaha iyo lugaha ay noqonayaan sidii qof mayd ah oo kale.

Diktoor Aadan ayaa xusay in marka uu cudurku qofka ku dhoco uusan ceshan karin kaadida wuxuuna sheegay in muddo 48 saac gudahood uu qofku u geeryoonayo cudurkaas.

Aadan ayaa tilmaamay in dadka uu ku dhacayo cudurku ay u badan yihiin dhalinyaradda reer miyiga ah ee ku nool deegaanada gobolka Hiiraan wuxuuna sheegay inaysan soo gaari karin dhaqaatiirta, dowladda iyo Hay’adaha gargaarku meelaha ay dhibaatadaas ka jirto oo ay gacanta ku yahaan ururka Alshabaab.

Diktoorka Aadan ayaa ka dhawaajiyay in 3 maalmood ka hor uu cudurku ka dilaacay deegaanada gobolka Hiiraan ayna u geeryoodeen dad kor u dhaafaya 100 ruux wuxuuna sheegay inuu cudurku ku sii baahayo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Shacabka ku nool deegaanada uu ka dilaacay cudurka aan la aqoonin waxa uu yahay ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday inay lasoo gaarto gurmad deg deg ah.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles