Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20504

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo sheegay in kor loo qaadi doono awoodda ciidamada Booliska G/ Hiiraan

$
0
0

saacid Gen.

Beledweyne(RBC RAdio) Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaaliyeed Janaraal C/xakiin Daahir Siciid Saacid oo ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay kor u qaadi doonto awoodda ciidamada Booliska gobolka Hiiraan.

Gen. Cabdi Xakiin Daahir Siciid Saacid oo maanta kurmeeray saldhigga ciidamada Booliska degmada Beledweyne ayaa ka dhawaajiyay in kor loo qaadi doono tayada iyo tirada ciidamada Booliska gobolka Hiiraan si ay ula dagaalamaan kooxaha ka tirsan Alshabaab ee dhibaatada ka wada magaalada Beledweyne.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xakiin Daahir Siciid Saacid ayaa sheegay in maalmaha soo socda qalab casri ah loo keen doono ciidamada Booliska gobolka Hiiraan si ay u adkeeyaan ammaanka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Gen Saacid ayaa ammaan usoo jeediyay ciidamada Booliska ee ka howgala gobolka Hiiraan wuxuuna tilmaamay in ciidamada Booliska gobolka Hiiraan ay soo qabteen howllo aad u balaaran ayna si buuxda ula wareegi doonaan ammaanka gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidamada hiil walaal ee ka socda dowladda Jabuuti ay qabteen shaqo aad u wanaagsan wuxuuna shacabka iyo dowladda Jabuuti uga tacsiyeeyay Askarigii kaga geeryooday weerarki dhowaan lagu qaaday saldhigga ciidamada Booliska degmada Beledweyne.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20504

Latest Images

Trending Articles



Latest Images