Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowladda Jabuuti oo sheegtay inay sii wadi doonto taageeradii ay siin jirtay dowladda Soomaaliya

$
0
0

calanka jabuutiJabuuti(RBC Radio) Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay inay sii wadi toonto taageeradii ay la garab taagneed dowladda federaalka Soomaaliya, sarkaal sare oo u hadlay dowladda Jabuuti ayaa sheegay in dowladiisu ay sii dar dar gelin doonto taageeradii ay siin jirtay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sarkaalka oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay in weerarkii dhowaan lagu qaaday ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan aysan wax ka bedeli doonin taageeradi ay u yimaadeen gudaha Soomaaliya.

Sarkaalka u hadlay dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo ku sugan magaalada Jabuuti ee xarunta dalkaas ayaa ka dhawaajiyay inaysan Ciidamadooda kala bixi doonin gudaha Soomaaliya ilaa ay ka xaqiijiyaan nabadgalyada Soomaaliya, wuxuuna taas ku tilmaamay inay waajib saarad dowladda Jabuuti ay tahay.

Wuxuu sheegay in dowladda Jabuuti ay aad uga xuntahay gumaadka loo gaystay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Beledweyne, wuxuuna ku booriyay shacabka gobolka Hiiraan inay halmeel uga soo wada jeestaan ururka Alshabaab si dalka sooga xoreeyo.

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in weerarkii lagu qaaday magaalada Beledweyne ay ku waysan 1 askari oo ka mid ah ciidankeeda ku sugan gudaha Soomaaliya ay ka mid ah gowlgalka cidamada nabad ilaalinta Midowga Arimka ee AMISOM.

 

 

 

RBC Radio

Xafiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles